Tuesday, July 28, 2026

Qoys Ciidamada amniga u gacan geliyay nin shalau dil ka geestay Muqdisho

Ciidamada booiiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgalla saldhigga degmada Dayniile , ayaa lagu wareejiyay nin dhallinyaro ah oo shalay afaafka hore ee xarunta degmada Dayniile ku dilay nin kale oo la sheegay in ay saaxiibo ahaayeen gacankudhiiglaha.

Cabdulahai Cabdi Diinle (Buurane), ayaa dil u geestay Siciid Mustaf Axmed oo la sheegay in ay ahaayeen saaxiibo, ilaa haddana lama shaacin sababta keentay dilkan, ninka dilka geestay ayaana si deg deg ah uga baxsaday goobtii uu dilka ka geestay.

Sida aan wararka ku helnay ninka gacankudhiiglaha ah ayaa gabaad u tagay guri ay leeyihiin xubno ay qaraabo yihiin, hasa ahaatee qoyska wiilkan ayaa la sheegay in ay go’aansadeen in aysan qarin , waxa ayna ku wareejiyeen laamaha amaanka dowladda oo hadda ninkan gacanta ku haya.

Tallaabada ay qaadeen qoyska ninkan dilka geestay ayaana la sheegay in ay soo dhaweeyeen qoyska wiilka laga dilay, waxaana lagu wadaa in maanta qabuuro kuyaalla degmada Dayniile lagu aaso marxuum Siciid Mustaf Axmed oo ku baxay gacanta wiil kale oo ay saaxiibo ahaayeen.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Milateriga Sudan oo shaaciyey guul ay gaareen

Ciidanka Suudaan ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen...

Iiraan oo u yeertay Safiirka Faransiiska u fadhiya Tehraan

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa ku dhawaaqday in...

Golaha Mustaqbalka oo Fariin Culus u diray dalalka Ciidamada ka Jooga Soomaaliya

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (Somali Future Council) ayaa warqad furan...

Uganda oo ku biirtay dalalka ku tartamaya codka Soomaaliya ee u sharraxan Xilka Xoghayaha Guud ee Q.M

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah ugu biirtay tartanka...

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya Kadib Wasiirro laga hor Istaagay Nairobi

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirka Kenya u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles