Tuesday, July 1, 2025

Khaatumo oo faahfaahisay cida ay yihiin Maxaabiista ay sii deynayaan

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadad Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo madaxda maamulka Khaatumo, ayaa isla gartay in xabsiyada magaalada Laascaanood laga sii daayo 25-ruux oo kamid ah maxaabiistii Somaliland looga qabtay dagaalkii ka dhacay gobolka Sool.

Maxaabiista la siideynayo ayaana lagu wareejiyay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Barre, waxaana la filayaa maxaabiistan in dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejiso Somaliland ayna dib ula midoobaan ehelkooda oo ay muddo kala maqnaayeen.

Maamulka Khaatumo, ayaana faahfaahin dheeraad ah waxa ay ka bixiyeen cidda ay yihiin maxaabiista Somaliland laga hayo ee lasii deynayo iyo waxa lagu xulay, waxa ayna sheegeen in maxaabiista lasii deynayo yihiin kuwa daruufo gaar ah heestaan.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka ee  SSC-Khaatumo, Gen. Cabdi Xasan Xijaar , ayaa shaaciyey in dhammaan maxaabiistaani la sii deynayo aysan ahayn kuwa heshiis nabadeed ku baxaya, haseyeeshee lagu sii dayn doono duruufo bini’aadannimo sida uu hadalka u dhigay.

“Maxaabiista la sii daynayo, maahan kuwa heshiis iyo maxaabiis is dhaafsi ku baxayam  waxaa lagu sii daynayaa arrimo bini’aadannimo, kuwaasi oo dhammaan qaba duruufo gaar ah”, Ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka ee Maamulka SSC-Khaatumo, Gen. Cabdi Xasan Xijaar.

Maamulada Somaliland iyo Khaatumo, ayaa maxaabiis badan ku kala qabsaday dagaalkii dhiigga badan ku daatay ee ka dhacay magaalada Laascaanood, waxaana maxaabiista lakala heesto ku jira saraakiil iyo dad kale oo labada dhinacba caan ka ahaa.

WARARKII KALE

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka...

Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW dalka Qatar oo kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliland

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qatar Sheikh...

Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaalamay G/Sh/Dhexe oo maanta ka furmay degmada Warsheekh

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Wasiirka...

RW Xamsa “Mustaqbalka Soomaaliya oo Barwaaqo ah waxaa uu ku jiraa Horumarinta dhaqaalaha Buluugga ah”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles