Sunday, May 10, 2026

Shacabka Muqdisho oo loogu baaqay in ay isku diwaangeliyaan doorashada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa si rasmi ah u daah-furay Isdiiwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashada oo maanta ka bilawday Degmada Shangaani ee Magaalada Muqdisho, asigoona noqday muwaadinka 1-aad ee is diiwaan-geliyay.

Kumanaan shacab ah oo ku dhaqan Degmada Shangaani ayaa si weyn isugu soo baxay goobaha isdiiwaan-gelinta, iyagoona safaf dhaa-dheer u galay sidii ay isku diiwaan-gelin lahaayeen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa shacabka Caasimadda ugu baaqay in ay isdiiwaan-geliyaan si ay codkooda ugu ciil baxaan, go’aanna ugu gaaraan cida ay hogaanka u dhiiban lahaayeen.

Doorashada qof iyo cod ay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ku celcelineyso in ay qabaneyso, ayaa waxaa kasoo horjeeda siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda maamul goboleedyada qaarkood.

WARARKII KALE

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay Xaaladda Guud ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

DFS iyo Beesha Caalamka oo ka wadahadlay arrimaha amniga

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda  Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa...

DFS oo mucaaradka ku eedeysan inay abaabulayaan banaanbax rabshado wata

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay diidaneen dibadbax...

Shacabka Koofur Galbeed oo saaka doorasho u dareeray

Deegaannada Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa saaka looga...

Mucaaradka oo aqbalay in Bannaanbaxa lagu qabto Garoonka Injineer Yariisow

Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn aqbalay in bannaanbaxooda...

Waa sidee Saaka xaalka Muqdisho?

Magaalada Muqdisho ayaa saaka ku waabareysatay, ciidamo badan oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles