Sunday, July 26, 2026

Warsaxaafadeed laga soo saaray kulamada RW Xamsa iyo Maamulka SSC Khaatuma ee Laascaanood

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo magaalada Laascaanood joogay maalmahanba ayuu xafiiskiisu kasoo saaray warsaxaafadeed ka kooban 6 qodob oo ay ugu waaweynaayeen. Qodobada 4’aad iyo lixaad 6’aad.

Qodobka 4’aad o farqadahiisu ugu dhignaayeen sidatan warsaxaafadeedkii kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya

B) In DFS, Maamulka SSC-Khaatumo u aqoonsatay Dowlad Goboleed, laguna dhameystiro shirweynaha iyo heshiiska bulsho (Dastuurka)

T) In maamulka SSC-Khaatumo xubin buuxda ka noqdo Golaha wadatashiga Qaranka (NCC).

J) In deegaanada maamulka SSC-Khaatumo ay yihiin deegaano kamid ah DFS, looguna yeeri karin deegaano lagu muransan yahay (disputed area). Waana in Hay’adaha DFS, Kuwa aan Dowliga ahayn iyo saaxiibadda Soomaaliya uga howlgalaan SSC-Khaatumo si lamid ah sida ay deegaannada kale ee Soomaaliya uga howlgalaan.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska ayaa sidoo kale lagusoo hadal qaaday qodobkisa 6aad, 25 maxbuus oo lagu qabtay dagaalkii dhexmaray SSC-Khaatumo iyo Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somailand.

Maxaabiistan lama magacaabin kuwa ay yahiin waxaase warbixinta lagu xusay in ay yahiin kuwo leh “duruufo gaar ah” waxaana qoraalka lagu sheegay in “DFS dib-ugu-celin doontaa ehelkoodii iyaga oo badqaba”.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu sheegay in maamulka SSC-Khaatumo uu taageeray barnaamijka dowladda iyo kan xukuumadda Soomaaliya, waxaana lagu qeexay in sidoo kale maamulk taageeray gogoshii dhawaan uu fidiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud – SCC-Khaatumo ayaana la sheegay in ay diyaar u tahay ka qaybgalka gogoshaas.

 

WARARKII KALE

Puntland oo digniin u dirtay DFS iyo Galmudug

Maamulka Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadashay...

Xildhibaanada BF oo dood ka galay xiisadda-siyaasadeed ee Mudug

Dood adag ayaa ka dhalatay kooxda WhatsApp-ka ee ay...

DF oo baaq deg deg ah ka soo saartay dagaal beeleedka ka Socda Gobolka Sanaag

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war rasmi ah ka soo...

Trump oo Hakiyay Weerar Ballaaran oo lagu qaadi lahaa Iiraan

Warbaahinta rasmiga ah ee Israa’iil, KAN News, ayaa sheegtay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo sheegtay inay iska difaaci doonto hanjabaadaha Maraykanka

Iiraan ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay difaacdo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles