Warsaxaafadeed laga soo saaray kulamada RW Xamsa iyo Maamulka SSC Khaatuma ee Laascaanood

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo magaalada Laascaanood joogay maalmahanba ayuu xafiiskiisu kasoo saaray warsaxaafadeed ka kooban 6 qodob oo ay ugu waaweynaayeen. Qodobada 4’aad iyo lixaad 6’aad.

Qodobka 4’aad o farqadahiisu ugu dhignaayeen sidatan warsaxaafadeedkii kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya

B) In DFS, Maamulka SSC-Khaatumo u aqoonsatay Dowlad Goboleed, laguna dhameystiro shirweynaha iyo heshiiska bulsho (Dastuurka)

T) In maamulka SSC-Khaatumo xubin buuxda ka noqdo Golaha wadatashiga Qaranka (NCC).

J) In deegaanada maamulka SSC-Khaatumo ay yihiin deegaano kamid ah DFS, looguna yeeri karin deegaano lagu muransan yahay (disputed area). Waana in Hay’adaha DFS, Kuwa aan Dowliga ahayn iyo saaxiibadda Soomaaliya uga howlgalaan SSC-Khaatumo si lamid ah sida ay deegaannada kale ee Soomaaliya uga howlgalaan.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska ayaa sidoo kale lagusoo hadal qaaday qodobkisa 6aad, 25 maxbuus oo lagu qabtay dagaalkii dhexmaray SSC-Khaatumo iyo Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somailand.

Maxaabiistan lama magacaabin kuwa ay yahiin waxaase warbixinta lagu xusay in ay yahiin kuwo leh “duruufo gaar ah” waxaana qoraalka lagu sheegay in “DFS dib-ugu-celin doontaa ehelkoodii iyaga oo badqaba”.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu sheegay in maamulka SSC-Khaatumo uu taageeray barnaamijka dowladda iyo kan xukuumadda Soomaaliya, waxaana lagu qeexay in sidoo kale maamulk taageeray gogoshii dhawaan uu fidiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud – SCC-Khaatumo ayaana la sheegay in ay diyaar u tahay ka qaybgalka gogoshaas.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles