Monday, June 8, 2026

Khaatumo oo faahfaahisay cida ay yihiin Maxaabiista ay sii deynayaan

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadad Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo madaxda maamulka Khaatumo, ayaa isla gartay in xabsiyada magaalada Laascaanood laga sii daayo 25-ruux oo kamid ah maxaabiistii Somaliland looga qabtay dagaalkii ka dhacay gobolka Sool.

Maxaabiista la siideynayo ayaana lagu wareejiyay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Barre, waxaana la filayaa maxaabiistan in dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejiso Somaliland ayna dib ula midoobaan ehelkooda oo ay muddo kala maqnaayeen.

Maamulka Khaatumo, ayaana faahfaahin dheeraad ah waxa ay ka bixiyeen cidda ay yihiin maxaabiista Somaliland laga hayo ee lasii deynayo iyo waxa lagu xulay, waxa ayna sheegeen in maxaabiista lasii deynayo yihiin kuwa daruufo gaar ah heestaan.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka ee  SSC-Khaatumo, Gen. Cabdi Xasan Xijaar , ayaa shaaciyey in dhammaan maxaabiistaani la sii deynayo aysan ahayn kuwa heshiis nabadeed ku baxaya, haseyeeshee lagu sii dayn doono duruufo bini’aadannimo sida uu hadalka u dhigay.

“Maxaabiista la sii daynayo, maahan kuwa heshiis iyo maxaabiis is dhaafsi ku baxayam  waxaa lagu sii daynayaa arrimo bini’aadannimo, kuwaasi oo dhammaan qaba duruufo gaar ah”, Ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka ee Maamulka SSC-Khaatumo, Gen. Cabdi Xasan Xijaar.

Maamulada Somaliland iyo Khaatumo, ayaa maxaabiis badan ku kala qabsaday dagaalkii dhiigga badan ku daatay ee ka dhacay magaalada Laascaanood, waxaana maxaabiista lakala heesto ku jira saraakiil iyo dad kale oo labada dhinacba caan ka ahaa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran ayaa sheegtay in joojineyso weerarada

Iran ayaa ku dhawaaqday goor dhaweyd in la soo...

Xisbullah oo sheegtay in weeraro aargoosi ah ay ku qaaday ciidamada Israel ee jooga Lubnaan

Xisbullah ayaa sheegtay in ay gantaallo ku duqeysay kolonyo...

Maxaa ka cusub dhex dhexaadinta ay Turkiga ka dhex wado DF iyo Mucaaradka

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda wadahadallo siyaasadeed oo heer...

Xoogagga Yemen oo ku dhawaaqay xayiraad buuxda oo ka dhan ah maraakiibta Israa’iil ee Badda Cas

Xoogagga Hubeysan ee Yemen ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin...

Madaxweyne Cirro oo la filayo inuu booqasho ku tago Israa’iil

Sida lagu daabacay warbixinta, qodobka ugu weyn ee safarka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles