Monday, June 2, 2025

DF oo shirkadaha Maraykanka ugu yeertay inay shidaal baaris ka sameeyaan SSC Khaatumo

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka, Danjire Daahir Xasan Carab, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya ay hadda furan tahay, islamarkaana diyaar u tahay sahaminta iyo qodista shidaalka, gaar ahaan deegaanada SSC-Khaatumo.

Danjiraha ayaa fursaddan muhiimka ah u bandhigay shirkadaha tamarta ee Mareykanka, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay dib ugu soo laabtaan dalka si ay u sahamiyaan ceelasha shidaalka ee ka buuxa dhulka Soomaaliyeed.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa X (hore Twitter), ayuu Danjiruhu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo ka saaray caqabadihii sharciyeed iyo amni ee horay u hor istaagay howlaha shidaal-baarista.

Waan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Soomaaliya si rasmi ah ay ugu furan tahay qodista shidaalka. Waxaan ku martiqaadayaa shirkadaha tamarta ee Mareykanka inay dib ugu soo laabtaan dalka,” ayuu yiri Safiirku.

Wuxuu sidoo kale sheegay in maamulka cusub ee SSC-Khaatumo oo hadda si rasmi ah loogu aqoonsaday dawlad xubin ka ah Dowladda Federaalka, ay sahleyso in laga fuliyo dhulkeeda mashaariic horay hakad u galay.

“Ka qaadista xaaladdii ‘force majeure’ waxay xaaladda u sahlaysaa in si buuxda loo bilaabo sahamin iyo qodis shidaal oo ka dhacda dooxada hodanka ku ah khayraadka ee Nugaal Valley Basin,” ayuu hadalkiisa ku daray safiirku.

Soomaaliya waxay leedahay dhul istaraatiiji ah oo xeebihiisu ka mid yihiin kuwa ugu dheer Afrika, kana hodan ah shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 02/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Maxay ka wadahadleen R/wasaare Xamsa iyo MW Jabuuti?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Farmaajo oo ku baaqay in Puntland iyo Jubbaland laga soo qeyb geliyo Shirka uu ku baaqay MW Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo...

Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka iyo Beesha Caalamka oo maanta Kulan ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliya ayaa...

Madaxweyne Qoor Qoor oo u Jawaabay mucaaradka” Xisbi siyaasadeed furto, dadkiina Aamina”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug,Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa...

Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyn laga fuliyey Puntland

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Taliska Ciidamada Mareykanka ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles