Saacid oo faahfaahin ka bixiyay qodobada looga hadlay kulamo uu la qaatay MW Xasan Sheekh iyo RW Xamsa

Guddoomiyaha Xisbiga Nagaad, ahna Musharrax Madaxweyne, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ugu soo jeediyey qodobo muhiim ah oo ku saabsan xaaladda amniga iyo siyaasadda dalka.

Qodobadaasi ayaa waxaa ka mid ah:

  1. Wadatashi iyo Furdaamin Arrimaha Amniga iyo Siyaasadda: Mudane Saacid wuxuu soo jeediyey in arrimaha cakiran ee amniga iyo siyaasadda dalka loo furdaamiyo si wadatashi ku dhisan, si loo helo xal waara oo loo wada dhan yahay.
  2. Doorashooyinka iyo Dastuurka: Mudane Saacid ayaa tilmaamay in arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka ay muhiim tahay in lagu saleeyo wadar ogol, si loo gaaro go’aan mideysan oo lagu qiimeeyo maslaxadda guud ee dalka.
  3. Dib-u-habeyn iyo Dhiirrigelinta Ciidamada Qaranka: Waxa uu sidoo kale ugu baaqay in ummadda Soomaaliyeed ay u midoobaan ciribtirka argagixisada, iyadoo loo sameeyo dib-u-habeyn ballaaran iyo dhiirrigelin joogto ah ciidamada Qaranka Soomaaliyeed si ay uga hortagaan khataraha amni ee dalka ka jira.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ruushka oo duqeyn ba’an ka geystay geystay Zaporizhzhia

Ruushka ayaa magaalada Zaporizhzhia ee dalka Ukraine ku weeraray...

Masar oo diyaarinaysa ciidamadii ugu dambeeyay ay u soo dirayso Soomaaliya

Warbaahinta The New Arab ayaa sheegtay in dowladda Masar...

Ciidanka Xoogga Dalka oo dib ula wareegay deegaanka Hees ee gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 27-aad, ayaa...

KGS oo qorsheynaysa in ciidanka Lafta-gareen xoog looga saaro Qansaxdheere

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo...

Taliyihii Saldhigga booliska Xagardheere ee Kenya iyo darawalkiisii oo qarax lagu dilay

Laba askari oo ka tirsan booliska Kenya, oo uu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles