Friday, May 1, 2026

Farmaajo oo ka digay in la dacaayadeeyo ciidamada xoogga ee dagaalka kula jiro Al-shabaab

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay dacaayado uu ku tilmaamay kuwo raqiis ah oo ay faafinayaan kooxaha argagixisada, kuwaas oo lagu wiiqayo sumcadda iyo kalsoonida Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed. sida uu ku sheegay qoraal soo saaray.

Farmaajo ayaa sheegay in wararka lagu sheegayo in guuldarrooyin la gaarsiiyay Ciidanka Xoogga Dalka aysan wax sal iyo raad ah lahayn, isagoo caddeeyay in ka bixitaanka ciidanka ee magaalooyinka qaar uu yahay istiraatiijiyad dagaal, oo aan micnaheedu ahayn in ciidanku jab ku dhacay.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan la wadaagayaa inay ka feejignaadaan dacaayadaha raqiiska ah ee argagixisadu ay ku doonayaan in ay ku sumcad dilaan ciidamadeenna geesiyaasha ah,” ayuu yiri Madaxweynihii hore. “Ciidamadu waxay u dagaalamayaan si ay u sugaan amniga shacabka iyo qarannimada, waana waajib in shacabka Soomaaliyeed ay garab istaagaan, hiil iyo hoo.”

Sidoo kale Farmaajo oo lagu dowladiisa lagu eedeeyo inaysan dagaal toos ah la gelin ALshabaab intii uu xukunka hayay ayaa isku difaacay: intii u dhaxaysay sannadihii 2018 ilaa 2020-kii, ciidamada dowlada xoreeyeen magaalooyinka Marko, Jannaale, Ow-Dheegle, Bariirre, Sabiid iyo Caanoole.

Isagoo la hadlayay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada, ayuu Farmaajo ugu baaqay in si dhab ah loo hormariyo danta guud, xasilloonida siyaasadeed, midnimada ummadda Soomaaliyeed, iyo dhameystirka hannaanka dastuurka iyo doorasho lagu wada heshiisan yahay.

Farmaajo ayaa muddooyinkan danbe qaatay mowqif siyaasadeed oo u gaara, wuxuuna aragti ahaan ka leexday siyaasiyiinta mucaaradka ah sida Sheekh Shariif, Xasan khayre iyo musharixiinta kale ee xilka Madaxweynaha oo sida weyn u dhaliila siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore ee Farmaajo wuxuu mararka qaar taageero siyaasadeed La garab istaagay Madaxweyne Xasan Sheekh.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Uganda oo ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay inay...

Dagaalka Iran oo la sheegay inay sabab u tahay soo laabashada burcad-badeeda xeebaha Soomaaliya

Warbixin uu daabacay Bloomberg ayaa iftiimisay in xiisadda iyo...

Amniga Baydhabo oo si weyn loo adkeeyay iyo xilli doorashooyin dhawaan la filayo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa wajahaysa xaalad...

Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka oo hal arrin ka wadahadlay

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho ayaa kulan la...

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir ka dhacay Itoobiya

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya, Bashiir...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles