Monday, September 1, 2025

Booliska Australia oo toogasho ku dilay wiil Soomaali ah iyo Banaanbax socda

Boqollaal qof oo ka tirsan Jaaliyadaha Soomaalida iyo Afrikaanka ee ku nool magaalada Melbourne, Australia ayaa isugu soo baxay bannaanbax weyn oo lagu muujinayo caro, iyo cambaareyn xooggan oo ka dhan ah dilka muwaadin Soomaaliyeed ee lagu magacaabi jiray Cabdifataax Axmed, kaas oo ay booliska gobolka Victoria ku toogteen habeenimadii Khamiistii la soo dhaafay.

Booliska ayaa sheegay in ninkan 35-jirka ah uu ku hubeysnaa toorrey, ayna rasaas ku fureen kadib markii uu ku gacan sayray amar ay ku siiyeen inuu dhigo hubka. Sida ay sheegeen saraakiisha, labada askari ee toogtay Cabdifataax ayaan wadan qalabyo kale oo lagu xakameeyo qofka sida sunta ka ilmeysiisa ama koronto gariirisa, taasoo keentay inay si toos ah ugu furaan rasaas.

Dadka bannaanbaxa dhigayay ayaa si adag u cambaareeyay ficilkaas, iyagoo ku tilmaamay mid arxan darro ah oo muujinaya cunsuriyad iyo ka fakar laโ€™aan ku saabsan xaaladda dhimirka ee ninkan.

Fartuun Axmed, oo ka tirsan ururrada jaaliyadda Soomaalida ee Victoria, oo la hadashay BBC-da ayaa ย sheegtay: โ€œWaxaan halkaan isugu soo baxnay anagoo ah Jaaliyadaha Soomaalida iyo Afrikaanka inaan ka mudaaharaadno dhibaatadii iyo dilkii foosha xumaa ee loo geystay walaalkeen Cabdifataax Axmed taas oo dhammaanteen argagax iyo shoog nagu riday.โ€

Waxay sidoo kale sheegtay inay filayeen in booliiska Australia ay dadka ilaaliyaan, balse falka dhacay uu si weyn u dhaawacay kalsoonidii ay ku qabeen hayโ€™adaha amniga. Waxay ku baaqday in dowladda Victoria ay si buuxda u caddeyso sida dhacdadani ku dhacday, ayna qaado tallaabo sharci ah.

Meydka marxuumka ayaa weli gacanta ugu jira booliska, iyadoo baaritaanno socdaan. Warar ayaa sheegaya in toddobaadkan gudihiisa la filayo in la fasaxo si loo aaso.

Dhacdadan ayaa dhalisay dood xooggan oo ku saabsan sida booliska Australia ula tacaalaan dadka xanuunsan dhanka maskaxda, gaar ahaan dadka madowga ah iyo kuwa muhaajiriinta ah, waxaana la saadaalinayaa in cadaadis cusub uu ku iman doono laamaha amniga gobolka.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles