Monday, September 1, 2025

AKHRISO:-Soomaaliya oo 90% batroolka iyo Gaaska u saxiixday Turkiga iyo dood ka dhalatay

Heshiiskii qarsoodi ah oo u dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Turkiga, ayaa waxaa banaanka u soo baxay ย qodobo dareen dhalinaya kadib markii nuqul ay heshay shabakadda caalamiga ah ee Nordic Monitor. Heshiiskan oo lagu sheegay inuu dhacay sannadkii hore, ayaa laga helay qodobo muujinaya in dalka Soomaaliya si weyn uga dhiman doono faaโ€™iidada ka dhalan karta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee laga soo saaro biyaha baddeeda.

Warbixintu waxay sheegaysaa in kaydka shidaalka badda Soomaaliya lagu qiyaasay ilaa 30 bilyan oo fuusto oo shidaal ah iyo 6 bilyan oo mitir kuyuubik oo gaas dabiici ah, sida ku cad xogaha heshiiska. Hase yeeshee, waxa la yaab leh in 90% faaโ€™iidada ka soo baxda sahminta iyo soo saarista khayraadkaasi loo ogolaaday dawladda Turkiga, halka dowladda Soomaaliya lagu koobay 5% oo kaliya, taas oo ah khidmad sahlan oo aan la jaanqaadi karin baaxadda khayraadka la sheegay.

Qodobbada kale ee heshiiska ayaa waxaa ka mid ah:-

Turkiga ayaa heysta awoodda kaliya ee dhoofinta shidaalka Soomaaliya, iyadoo aan dowladda Soomaaliya wax door ah ku lahayn goโ€™aamada ganacsi ee la xiriira khayraadkeeda dabiiciga ah.

Haddii khilaaf dhaco, dacwadda waxa qaadaysa maxkamad ku taalla magaalada Istanbul, iyadoo Soomaaliya laga mamnuucay inay dacwad ka furato maxkamad dalkeeda ah.

Ciidamada ilaalinaya goobaha shidaalka waxay ahaan doonaan kuwa Turkiga ah, taas oo meesha ka saaraysa fursadihii shaqo ee ciidamada Soomaaliya heli lahaayeen.

Xogta kale ee walaaca abuureysa ย ayaa ah in heshiiskaasi ay ansixiyeen xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyagoo aan si dhab ah u arkin qodobbada ku jira, kuwaas oo hadda u soo baxay si dadweynuhu u arko.

Heshiiskan ayaa dhalin kara suโ€™aalo culus oo ku saabsan madax-bannaanida Soomaaliya, ka faaโ€™iideysiga khayraadka dabiiciga ah, iyo sida ay dowladda ugu xilsaaran tahay ilaalinta danaha shacabka.

Waxaa la filayaa in arrintani ay noqon doonto mid xasaasi ah oo laga doodo gudaha iyo dibadda dalka, iyadoo ay jiraan baaqyo isa soo taraya oo dalbanaya in dib loo eego heshiiska, lana helo hufnaan iyo daahfurnaan dhabta ah.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles