Saturday, May 16, 2026

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir maanta ka furmaya Uganda

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo uga qaybgali doono shirka dalalka qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM kaasi oo maanta ka furmi doona.

Socdaalka Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud, ee magaalada Kampala wuxuu imaanayaa xilli muhiim ah, iyadoo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta uu marayo meelo xasaasi ah. Ka qaybgalka shirkan heer sare ah ee ay isugu imaanayaan waddamada qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM (oo badalay AMISOM) wuxuu u muuqdaa mid ka tarjumaya sida Soomaaliya ay uga go’an tahay in iskaashi dhaba lala yeesho dalalka gobolka si loo ciribtiro khatarta argagixisada.

Madaxweynaha wuxuu fursad u heli doonaa in uu si toos ah uga warbixiyo madaxda kale ee Afrika horumarka ay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka gaareen la-dagaallanka Khawaarijta. Taasoo muujinaysa in dagaalka uu yahay mid ka baxaya heer qaran una sii gudbaya heer goboleed oo wadashaqeyn dhaba lagu dhisayo.

Waxaa kaloo muhiim ah in kulanka Kampala uu ka dhici doono xilli uu socdo dib-u-eegis ku saabsan doorka ciidamada AUSSOM, iyadoo loo eegayo in mar dhow la qorsheynayo in mas’uuliyadda amniga si buuxda loogu wareejiyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed. Sidaas darteed, hadallada Madaxweynaha ee shirkaasi waxay noqon doonaan kuwo saamayn siyaasadeed iyo diblomaasiyadeedba leh.

Ugu dambayn, socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu iftiiminayaa doorka hoggaamineed ee Soomaaliya ay rabto inay ka ciyaarto sugidda amniga gobolka, isla markaana ka marag kacaya in dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta aanu ahayn mid keliya oo gudaha ah, balse u baahan iskaashi ballaaran iyo garab istaag caalami ah.

WARARKII KALE

Q.M oo ku dhawaaqday in Soomaaliya ay gashay marxalad kala-guur ah

Qaramada Midoobey ayaa war ka soo saartay fashilkii ku...

Loolanka Siyaasadeed ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo galay weji cusub

Madaxweynaha waqtigiisu sii dhammaaday, Xasan Sheekh Maxamuud, oo kasoo...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Muddo Xileedka Dowladdayda wuxuu Ku eg yahay 15-ka May 2027

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii shalay ahayd...

Ciidamada Mareykanka iyo Nayjeeriya oo dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan IS

Madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu ayaa xaqiijiyay dilka hoggaamiye sare...

Deni oo bixiyay xogta sababta ka dambeysay inuu fashilmo shirkii ka dhacay Xerada Xalane

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ka hadlay...

Keir Starmer oo weli wajahaya cadaadis kaga imaanaya xildhibaanada xisbigiisa si uu xilka uga dego

Ra’iisul Wasaare Keir Starmer ayaa weli wajahaya cadaadis uga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles