Monday, September 1, 2025

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir maanta ka furmaya Uganda

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo uga qaybgali doono shirka dalalka qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM kaasi oo maanta ka furmi doona.

Socdaalka Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud, ee magaalada Kampala wuxuu imaanayaa xilli muhiim ah, iyadoo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta uu marayo meelo xasaasi ah. Ka qaybgalka shirkan heer sare ah ee ay isugu imaanayaan waddamada qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM (oo badalay AMISOM) wuxuu u muuqdaa mid ka tarjumaya sida Soomaaliya ay uga go’an tahay in iskaashi dhaba lala yeesho dalalka gobolka si loo ciribtiro khatarta argagixisada.

Madaxweynaha wuxuu fursad u heli doonaa in uu si toos ah uga warbixiyo madaxda kale ee Afrika horumarka ay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka gaareen la-dagaallanka Khawaarijta. Taasoo muujinaysa in dagaalka uu yahay mid ka baxaya heer qaran una sii gudbaya heer goboleed oo wadashaqeyn dhaba lagu dhisayo.

Waxaa kaloo muhiim ah in kulanka Kampala uu ka dhici doono xilli uu socdo dib-u-eegis ku saabsan doorka ciidamada AUSSOM, iyadoo loo eegayo in mar dhow la qorsheynayo in mas’uuliyadda amniga si buuxda loogu wareejiyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed. Sidaas darteed, hadallada Madaxweynaha ee shirkaasi waxay noqon doonaan kuwo saamayn siyaasadeed iyo diblomaasiyadeedba leh.

Ugu dambayn, socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu iftiiminayaa doorka hoggaamineed ee Soomaaliya ay rabto inay ka ciyaarto sugidda amniga gobolka, isla markaana ka marag kacaya in dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta aanu ahayn mid keliya oo gudaha ah, balse u baahan iskaashi ballaaran iyo garab istaag caalami ah.

WARARKII KALE

Wararka ugu dambeeya khasaaraha dhulgariirka Afgaanistaan

Buuraleyda fog ee gobolka Kunar, Syed Raheem wuxuu taagan...

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Ee BFS oo Furay Kulanka Banbaxa Ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Saraakiil ka socda Masar oo yimid Muqdisho

Wafdi ka kooban 16 xubnood oo ka tirsan Ciidanka...

Maxkamada ciidamada oo saaka dil toogasho ku fulisay rag ka tirsanaa Al-shabaab

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa saaka markale dil toogasho...

Fanaanka Safwaan Halac oo ku geeriyooday Shil ka dhacay Hargeysa

Waxaa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Fanaanka caanka ah ee...

Puntland iyo Jubbaland oo war ka soo saaray Xaalada siyaasadeed ee dalka iyo eed ay u jeediyeen MW Xasan Sheekh

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles