Ciidamada ammaanka oo xeebaha Galmudug ku qabtay Doon laga leeyahay Dalka Yemen

Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Maamulka Galmudug ayaa howlgallo amni oo qorsheysan ku qabtay dooni kalluumeysi sharci-darro ah ka wadday xeebaha gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanka Afbarwaaqo.

Howlgalka oo uu hoggaaminayay Taliyaha Amniga Xeebaha Mudug, Dugul Cabdi Miciin, ayaa lagu soo qabtay doonidan oo laga leeyahay dalka Yemen, iyadoo la sheegay in ay si sharci-darro ah uga kalluumeysaneysay biyaha Soomaaliya xilli aysan haysan wax oggolaansho ah.

Taliyaha ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada ay muddo la socdeen dhaqdhaqaaqa doonidaas, islamarkaana la helay xog caddeyneysa falalka sharci-darrada ah ee lagu hayay kheyraadka badda Soomaaliyeed.

“Ma aqbali doonno in dalal shisheeye si sharci-darro ah uga faa’iideystaan xeebaha Galmudug. Ciidamadeennu waa heegan,” ayuu yiri Taliye Dugul Cabdi Miciin.

Doonida la qabtay ayaa hadda lagu hayaa baaritaan, iyadoo laga filayo in lala wadaago hay’adaha garsoorka iyo kuwa ilaalinta deegaanka si go’aan sharci ah looga gaaro.

Kalluumeysiga sharci-darrada ah ee ay wadaan doonyaha ajaanibta ah — gaar ahaan kuwa ka yimaada Yemen, Iran, iyo dhowr dal oo kale — ayaa sanadihii la soo dhaafay si weyn u saameeyay nolosha kalluumeysatada Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles