Sunday, April 26, 2026

Dib u dhac ku yimid shirka golaha wadatashiga Qaranka

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee lagu waday inuu ka furmo magaalada Muqdisho 1-da ilaa 2-da bisha May, ayaa baaqday.

Shirkan oo ah mid si weyn loo sugayay, ayaa lagu waday in lagu gorfeeyo arrimo dhowr ah oo quseeya mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, sida dib-u-eegista dastuurka, amniga qaranka, iyo hannaanka doorashooyinka.

War- saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu shaaciyay in uu dib u dhac ku yimid shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu waday in beri ka furmo Muqdisho.

Waxaa lagu sheegay warka kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya in wadatashi kaddib shir dib loogu dhigay 5- ta bishan oo ku beegan maalinta Isniinta soo socoto , lamana shaacin ilaa hadda sababta rasmiga ah ee shirkan dib loogu dhigo.

“Warka ayaa lagu sheegay in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) uu si rasmi ah uga furmi lahaa magaalada Muqdisho berrito, ayaa kadib wadatashi ay yeesheen Madaxda Qaranku waxa ay ku go’aamiyeen in shirku qabsoomo maalinta Isniinta ee 5ta bisha Maajo 2025” ayaa lagu yiri warka Xukuumadda kasoo baxay.

Madaxweyne Soomaaliya, ayaa horey ugu baaqay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ay isugu imaanayaan madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, waxaana shirkan diirada lagu saari doonaa arrimo xasaasi ah.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran , ayaa lasii ogyahay in aysan kasoo qeyb geli doonin madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland, kuwaa oo khilaaf kala dhaxeeyo DFS, waxaana shirkan markii ugu horreysay lagu casuumay maanulka SSC Khaato .

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka arrimaha dibadda Iran oo ka hadlay arrinta Hurmuz ee cakiran

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ayaa Axaddii...

Taliyaha ciidamada xoogga oo gaaray Waajid

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud...

DFS oo Puntland ku eedeysay inay rasaas u adeegsatay shacabka Badhan

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed...

Aadan Madoobe oo la isku raacay inuu xisbiga JSP u tartamo xilka madaxtinimada KGS

Kulan xasaasi ah oo xalay ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya...

Maraykanka oo xiray nin Soomaali ah oo lala xiriirinayo burcad-badeednimo

Dowladda Maraykanka ayaa xirtay nin Soomaali ah oo lagu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles