Monday, August 17, 2026

Madaxweynaha Jubbaland oo ku laabtay Kismaayo iyo xili weli duulimaadyada ay xiran yihiin

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, kadib safar uu maalmahan ugu maqnaa dalka dibaddiisa.

Madaxweynaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo oo ah caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Jubbaland.

Soo laabashada madaxweynaha ayaa ku soo aadaysa xilli qeybo kamid ah Jubbaland aysan si buuxda u shaqeynaynin garoomada diyaaradaha, taasoo sababtay caqabado weyn oo saameeyay shacabka iyo isu socodka gudaha maamulkaasi, Inkastoo aan faahfaahin rasmi ah laga helin ajandaha safarka Madaxweynaha ee dibadda, haddana wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Axmed Madoobe uu kulamo la qaatay xubnha Beesha Caalamka.

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Lama oga in Axmed madoobe uu ka qeyb gali doono shirka golaha wadatashiga Qaranka iyo in kale.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Safar Dhulka ah Ku Gaaray Degmada Cadaado

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Guddoomiye Jaamac oo la kulmay Xildhibaanada Mucaaradka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Taliska NISA oo sheegay in howlgal ka dhacay Hiiraan lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab (Copy)

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

MW Xasan Sheekh oo maanta tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Miliateriga Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tababar u soo xiray...

Mareykanka oo Muqdisho u soo diray Ku-xigeenka Madaxa Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa Ruth Anne Stevens-Klitz u magacawday Ku-xigeenka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles