Saturday, April 25, 2026

RW Xamsa oo Xilkii U Kala Wareejiyay Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Wasiirkii Hore

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,  Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, iyo Wasiirkii hore, Axmed Macallin Fiqi.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, diblomaasiyiin, shaqaalaha Wasaaradda iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay doorkii uu Wasiirkii hore ka qaatay diblomaasiyadda Soomaaliya mudadii uu xilka hayay, isagoo sidoo kale u rajeeyay guul iyo horumar Wasiirka cusub ee xilka la wareegay. “Waxaan rajeynayaa in Wasiirka cusub uu si hufan u sii amba-qaadi doono howlaha muhiimka ah ee wasaaraddan, gaar ahaan kobcinta xiriirka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda Soomaaliya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay ayaa dhankiisa uga mahadceliyay kalsoonida lagu siiyay xilkan culus, isagoo ballan qaaday in uu mudnaanta siin doono horumarinta danaha diblomaasiyadeed ee dalka iyo ilaalinta xiriirka Soomaaliya la leedahay beesha caalamka.

Xil wareejintan ayaa imaneysa xilli ay muhiimad gaar ah leedahay dib-u-dhiska hay’adaha arrimaha dibadda iyo kor u qaadista matalaadda Soomaaliya ee caalamka.

WARARKII KALE

17-Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku geeriyootay Badda u dhaxeyso Aljeria iyo Spain

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Dhiggiisa Boqortooyada Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay xafladda caleema saarka Ugaas Cabdirisaaq Faracadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Janan oo fariin adag u diray dowladaha dariska ah

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland...

Xiisad ka taagan xabbad joojinta Israa’iil iyo Lubnaan

Maalmihii ugu dembeeyey tan iyo markii uu Donald Trump...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles