RW Xamsa oo Xilkii U Kala Wareejiyay Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Wasiirkii Hore

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,  Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, iyo Wasiirkii hore, Axmed Macallin Fiqi.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, diblomaasiyiin, shaqaalaha Wasaaradda iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay doorkii uu Wasiirkii hore ka qaatay diblomaasiyadda Soomaaliya mudadii uu xilka hayay, isagoo sidoo kale u rajeeyay guul iyo horumar Wasiirka cusub ee xilka la wareegay. “Waxaan rajeynayaa in Wasiirka cusub uu si hufan u sii amba-qaadi doono howlaha muhiimka ah ee wasaaraddan, gaar ahaan kobcinta xiriirka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda Soomaaliya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay ayaa dhankiisa uga mahadceliyay kalsoonida lagu siiyay xilkan culus, isagoo ballan qaaday in uu mudnaanta siin doono horumarinta danaha diblomaasiyadeed ee dalka iyo ilaalinta xiriirka Soomaaliya la leedahay beesha caalamka.

Xil wareejintan ayaa imaneysa xilli ay muhiimad gaar ah leedahay dib-u-dhiska hay’adaha arrimaha dibadda iyo kor u qaadista matalaadda Soomaaliya ee caalamka.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles