Wednesday, June 24, 2026

Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka qeyb galay shirka Baarlamaanka Carabta ee ka furmay Algeria

Shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta ayaa si rasmi ah uga furmay Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria, waxaana shirka sanadkan looga hadli doonaa arrimaha wadamada Carabta gaar ahaan xaaladda Falastiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan wadanka Algeria ayaa Soomaaliya ku matalaya shirkaas oo maanta si rasmi ah u furmay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirka ka jeedin doona khudbad dhinacyo taabaneysa oo uu kaga hadli doono muhiimadda shirkaasi uu dalkeena u leeyahay iyo kaalinta firifircoon ee ay Soomaaliya ku leedahay shirka iyo guud ahaan baarlamaanadda Carabta.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa inta uu ku suganyahay wadanka Algeria waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda ugu sareysa wadanka shirka martigelinaya ee Algeria, sidoo kalena waxa uu kulamo gaar gaar ah oo lagu xoojinayo xiriirka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kan baarlamaanada carabta la qaadan doonaa Guddoomiyaasha Baarlamaanadda ee ka qeybgalaya shirka.

WARARKII KALE

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

Ahlu Sunna Waljamaaca oo laga saaray Liiska Kooxaha lagu eedeeyo Askaraynta Carruurta

Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah ururkii Ahlu Sunna...

Kim Jong Un, ayaa sheegay in dalkiisu uu ciidanka badda ku qalabaynayo hubka niyukliyarka

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa sheegay in...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles