Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka qeyb galay shirka Baarlamaanka Carabta ee ka furmay Algeria

Shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta ayaa si rasmi ah uga furmay Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria, waxaana shirka sanadkan looga hadli doonaa arrimaha wadamada Carabta gaar ahaan xaaladda Falastiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan wadanka Algeria ayaa Soomaaliya ku matalaya shirkaas oo maanta si rasmi ah u furmay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirka ka jeedin doona khudbad dhinacyo taabaneysa oo uu kaga hadli doono muhiimadda shirkaasi uu dalkeena u leeyahay iyo kaalinta firifircoon ee ay Soomaaliya ku leedahay shirka iyo guud ahaan baarlamaanadda Carabta.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa inta uu ku suganyahay wadanka Algeria waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda ugu sareysa wadanka shirka martigelinaya ee Algeria, sidoo kalena waxa uu kulamo gaar gaar ah oo lagu xoojinayo xiriirka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kan baarlamaanada carabta la qaadan doonaa Guddoomiyaasha Baarlamaanadda ee ka qeybgalaya shirka.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles