Monday, August 17, 2026

Xildhibaanada laga joojiyay fadhiya golaha Shacabka oo dib loogu fasaxay

Xafiiska Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha, ayaa maanta soo saaray warqad rasmi ah oo dib loogu fasaxayo qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee dhowaan laga hakiyay ka qeybgalka fadhiyada Golaha.

Warqaddan ayaa lagu cadeeyay in Xildhibaanadaasi hadda dib uga qeyb gali karaan fadhiyada Golaha, kaddib markii la tixgeliyay duruufaha jira iyo dib u eegis lagu sameeyay go’aankii hore ee hakinta. Go’aankan cusub ayaa qe yb ka ah dadaallada lagu xoojinayo midnimada iyo wada shaqeynta xubnaha Golaha Shacabka.

Xafiiska Ku-simaha Guddoomiyaha wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nidaamka, anshaxa xubnaha iyo kor u qaadidda doorka Golaha ee sharci-dejinta iyo matalaadda shacabka Soomaaliyeed.

 

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Safar Dhulka ah Ku Gaaray Degmada Cadaado

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Guddoomiye Jaamac oo la kulmay Xildhibaanada Mucaaradka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Taliska NISA oo sheegay in howlgal ka dhacay Hiiraan lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab (Copy)

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

MW Xasan Sheekh oo maanta tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Miliateriga Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tababar u soo xiray...

Mareykanka oo Muqdisho u soo diray Ku-xigeenka Madaxa Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa Ruth Anne Stevens-Klitz u magacawday Ku-xigeenka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles