Xildhibaanada laga joojiyay fadhiya golaha Shacabka oo dib loogu fasaxay

Xafiiska Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha, ayaa maanta soo saaray warqad rasmi ah oo dib loogu fasaxayo qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee dhowaan laga hakiyay ka qeybgalka fadhiyada Golaha.

Warqaddan ayaa lagu cadeeyay in Xildhibaanadaasi hadda dib uga qeyb gali karaan fadhiyada Golaha, kaddib markii la tixgeliyay duruufaha jira iyo dib u eegis lagu sameeyay go’aankii hore ee hakinta. Go’aankan cusub ayaa qe yb ka ah dadaallada lagu xoojinayo midnimada iyo wada shaqeynta xubnaha Golaha Shacabka.

Xafiiska Ku-simaha Guddoomiyaha wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nidaamka, anshaxa xubnaha iyo kor u qaadidda doorka Golaha ee sharci-dejinta iyo matalaadda shacabka Soomaaliyeed.

 

 

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles