Wednesday, March 4, 2026

Israa’iil oo ballaarineyso howlgalkeeda milatari ee Qasa

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku soo warramaysa in golaha ammaanka ee dalkaasi ay si aqlabiyad ah ku ansixiyeen qorshe lagu ballaarinayo howlgalka militari ee ay ka wadaan Qasa.

Ha yeeshee wararka ayaa sheegaya, in qorshahaas la wado la dhaqan gelin doono ka dib booqashada Donald Trump ee gobolka toddobaadka soo socda.

Milateriga Israa’iil ayaa u yeeray tobanaan kun oo kamid ah ciidamada kaydka ah, si ay ugu qeyb qaataan howlgallada milaytari.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sidoo kale ku soo warramaya, in golaha wasiirradu ay ansixiyeen qorshe dib loogu bilaabayo gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo ee Qasa, iyadoo la sii marinayo sanduuq caalami ah iyo shirkado gaar loo leeyahay.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles