Wednesday, March 4, 2026

Caqabadaha hortaagan shirka golaha wadatashiga Qaranka ee maanta la filayo inuu ka furmo Muqdisho

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho,, xili madaxda maamul goboleedyada qaar aysan imaan magaalada Muqdisho.

Shirkan oo muhiim u ah arrimaha siyaasadda, amniga, iyo heshiisyada federaalka ayaa la filayaa in looga doodo qodobo muhiim ah oo saameynaya mustaqbalka dalka, balse shirkan ayaa wajahaya caqabado la xiriira ka qayb-gal la’aanta qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada.

Madaxda dowlad goboleedyada Koofur Galbeed, Hirshabelle, iyo Galmudug ayaan weli imaan magaalada Muqdisho, inkastoo suurtagal ay tahay in maanta ay soo gaaraan magaalada Muqdisho, wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in ay jiraan khilaafaad gudaha ah iyo cabashooyin la xiriira hab-maamulka shirka.

Sidoo kale, Jubbaland iyo Puntland Ayaan ka qeyb geli doonin shirka, Labadan dowlad goboleed ayaa horey u muujiyay dhaliilo ku aaddan qaabka ay dowladda federaalku u maareyneyso wadatashiga iyo wada-xaajoodka arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa la filayaa in lagu gorfeyno qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

Hannaanka doorashooyinka ee 2026, iyo heshiis laga gaaro nidaamka doorashooyinka.

Dib u eegista dastuurka ku meel gaarka ah, si loo helo dastuur dhammeystiran oo lagu heshiiyo.

Arrimaha amniga iyo la dagaallanka argagixisada, gaar ahaan howlgalada ka socda gobollada bartamaha iyo koonfureed ee dalka.

Xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, iyo xal u helidda is-marin-waaga siyaasadeed.

Ka maqnaanshaha Jubbaland iyo Puntland, ayaa shirka ku yeelan kara saameyn weyn. Waxaa laga cabsi qabaa in go’aamada ka soo baxa aanay noqon kuwa mideysan oo ay qeybaha qaarba u arki karaan kuwo aan matalin danahooda. Taasi waxay dhaawici kartaa midnimada siyaasadeed ee dalka iyo kalsoonida lagu qabo hab-raaca wada-tashiga federaalka.
Beesha Caalamka ayaa iskudayday dadaalo lagu doonayo in Madasha shirka uu noqdo mid lo dhanyahay oo ay soo xadiraan maamulada maqan.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles