Monday, August 17, 2026

Maxay ka wadahadleen Madaxweynaha Galmudug iyo Hoggaamiyaha SSC Khaatuma

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), kaas oo la sheegay inuu ahaa mid diiradda lagu saarayay arrimo xasaasi ah oo la xiriira xaaladda guud ee dalka iyo iskaashi dhexmari kara labada dhinac.

Kulanka ayaa waxaa lagaga hadlay qodobo ay ka mid yihiin:-

Xoojinta midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,

La dagaallanka argagixisada iyo nabadeynta deegaannada colaadaha ay saameeyeen,

Doorka ay maamul goboleedyadu ku yeelan karaan xal u helista arrimaha SSC-Khaatumo,

Iyo sidii loo dhiirrigelin lahaa wadahadal iyo iskaashi dhex mara dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Galmudug ayaa muujiyay taageerada uu u hayo dadaallada ay SSC-Khaatumo ku dooneyso in ay ku xasiliyaan deegaannada ay gacanta ku hayaan, isagoo adkeeyay in loo baahan yahay in dhammaan dhinacyadu ka wada shaqeeyaan nabadda iyo wadajirka dalka.

Dhankiisa, Hoggaamiye Firdhiye ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Qoorqoor fursadda kulanka, isagoo sheegay in ay muhiim tahay in la dhiso kalsooni dhexmarta madaxda Soomaaliyeed, si looga hortago colaad iyo kala shaki u dhaxeeya beelaha walaalaha ah.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli uu magaalada Muqdisho ka socdo abaabulka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana la aaminsan yahay in wada-hadallada noocan oo kale ah ay horseedi karaan jawi siyaasadeed oo is-faham iyo isu soo dhowaansho ku saleysan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Safar Dhulka ah Ku Gaaray Degmada Cadaado

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Guddoomiye Jaamac oo la kulmay Xildhibaanada Mucaaradka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Taliska NISA oo sheegay in howlgal ka dhacay Hiiraan lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab (Copy)

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

MW Xasan Sheekh oo maanta tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Miliateriga Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tababar u soo xiray...

Mareykanka oo Muqdisho u soo diray Ku-xigeenka Madaxa Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa Ruth Anne Stevens-Klitz u magacawday Ku-xigeenka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles