RW Xamsa oo Ka Hadlay dib-u-casriyeynta iyo hayaanka horumarinta hannaanka maaliyadda dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in jid dheer loo soo maray dib-u-casriyeynta iyo hayaanka horumarinta hannaanka maaliyadda dalka oo maanta 10-sano jirsaday

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay guulaha maamulka maaliyadeed ee Soomaaliya, ayaa xusay in Soomaaliya ay maanta leedahay nidaam adag, casri ah oo lagu kalsoon yahay, kaas oo sababay in deyntii laga cafiyo dalka, isla markaana dalka u horseedaya in isbeddel dhaqaale iyo horumar oo dhab ah lagu sameeyo.

“Geeddi socodka hannaanka maaliyadda dalka, waxa uu kulmiyey dhammaan geeddigii loo soo marayey dhismaha hey’adaha dalka dib-u-dhiskooda, taas oo ina tusaysa in aan qaan-gaarnay oo deyntii nalaga cafiyey, xayiraaddii hubka nalaga qaaday, kuna biirnay suuqyadii gobolka, waxaan hoosta ka xarriiqayaa in dadka Soomaaliyeed ogaadaan in howshan aysan bilaash ku imaan ee habeenno badan loo soo jeeday, si guushan loo xaqiijiyo”.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey dadaalkooda Wasaaradda Maaliyadda iyo khubaradii ka soo shaqeeyey geeddi socodka la soo maray 10-kii sano ee la soo dhaafay (2013 – 2023), taas oo laf-dhabar u ahaa guulaha maaliyadeed ee la xaqiijiyey, waxa uuna kula dardaarmay in ay xoojiyaan dadaalkooda si loo gaaro tallaabooyin kale oo wax ku ool ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa u jeediyey hey’adaha la shaqeeya dowladda in mashaariicda ay fulinayaan ay mariyaan nidaamka dowliga ah, maadaama uu hadda dalku leeyahay hannaan maaliyadeed oo lagu wada kalsoon yahay

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

Badmaax u dhashay Indonesia oo dalkooda ku laabtay

Afar badmaax oo u dhashay Indonesia ayaa maanta dib...

Itoobiya oo MW Xasan Sheekh ku eedeysay “khiyaano”

Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ayaa maqaal dheer oo...

Diyaar garowga Shirka 2-aad ee Guddiga Wadajirka Joogtada ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka socda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa Dardar gelinaysa Diyaargarowga Shirka 2-aad ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles