Mareykanka oo $10 Milyan Dul Dhigay Madaxa Cabdullahi Banati

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa shaacisay abaalmarin lacageed oo gaaraysa $10 milyan oo doolar, cid kasta oo keenta xog lagu qaban karo Cabdullahi Banati, oo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab isla markaana uu door muhiim ah ku lahaa weerarkii lagu qaaday saldhigga milatari ee Manda Bay, Kenya, subaxnimadii hore ee 5-tii Janaayo 2020.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay barnaamijka “Rewards for Justice” ee Dowladda Mareykanka, Cabdullahi Banati ayaa lagu tuhunsan yahay inuu qorsheeyay ama ka qeyb qaatay abaabulka weerarkaasi, kaasoo sababay dhimashada saddex qof oo Mareykan ah – laba qandaraasle rayid ah iyo hal askari – iyo dhaawaca askari Kenyan ah. Weerarkaasi wuxuu sidoo kale sababay burbur xoog leh oo soo gaaray hantida ciidamada Mareykanka, oo ay ka mid yihiin diyaarado iyo qalab milatari.

Mareykanka ayaa sheegaya in qofkii keena xog sugan oo horseedi karta in la qabto ama la geeyo maxkamad Cabdullahi Banati, uu heli karo abaalmarinta lacageed ee gaareysa ilaa $10 milyan, iyadoo sidoo kale la siin karo fursad dib-u-dejin ah oo ammaan ah.

Banati ayaa noqonaya shaqsigii labaad oo lagu raadjoogo si la mid ah, iyadoo horey abaalmarin lacageed oo lamid ah loo dul dhigay madax kale oo kooxda Al-Shabaab ah oo la tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen weerarkaasi.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles