Wednesday, May 20, 2026

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika iyo Hanti la boobay

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxyaan Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah oo gudaha dalkaas ku dilay muwaadin Soomaaliyeed, sidoo kalena boobay Goobo Ganacsi.

Kooxaha Burcadda ah ayaa weeraray Goobo Ganacsi oo kuyaalla Xaafadda New Brighton Ee hoostagta magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika, iyaga oo dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaaabi jiray Guuleed, halka ay boobeen Goobtii Ganacsi oo uu ka Shaqeeynayay.

Wariye Cumar Khabiir oo kamid ah Soomaalida kunool Goobta uu weerarka ka dhacay ayaa sheegay in Kooxaha Burcadda ah uu si dirqi ah kaga badbaaday Milkiilaha Goobta Ganacsi, isla markaana Gaadiid ay xoog kusoo wateen ay ku rarteen alaabtii taallay.

Ciidamo katirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay goobta uu weerarka ka dhacay, kuwaas oo sameeyay howlgallo baaritaano ah wallow aysan gacanta ku dhigin Kooxihii Burcadda ahaa.

Dalka Koonfur Afrika oo Soomaali aad u farabadan ay ku nool yihiin ayaa waxaa mararka qaar loo geystaa dil, dhaawac iyo in la boobo Hantidooda, iyada oo dowladda Koonfur Afrika aysan waxba ka qaban.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mucaaradka oo markale ku dhawaaqay Banaanbax ka dhan ah MW Xasan Sheekh

Golaha Samatabixinta Mucaaradka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu...

Dil ka dhacay Boosaaso iyo Faahfaahino ka soo baxaya

Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in Magaalada...

Wasiir Fiqi oo si adag u weeraray Mucaaradka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si cad...

Qaramada Midoobey oo farriin culus kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto...

Trump oo ka hadlay toogashada Masaajidka Islamic Center ee San Diego

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay toogashada dhacday...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles