Dad is qoys ah oo lagu dilay Magaalada Mandheere

Ugu yaraan lix qof oo isku qoys ahaa ayaa lagu dilay weerar  ka dhacay hoygooda oo ku yaalla magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Barri Kenya.

Weerarka, oo la rumeysan yahay inuu salka ku hayo aano qabiil, ayaa daba socday colaado soo noqnoqday oo dhawaanahan ka taagnaa dhulka miyiga ah ee gobolka.

Cabdulaahi Macalin Xasan, oo ah walaalka ninka qoyskiisa la laayay, ayaa sheegay in weerarku uu dhacay saqdii dhexe iyadoo koox hubeysan ay si ula kac ah u beegsadeen guriga dadka la dilay. “Waxay u muuqataa in si gaar ah loo bartilmaameedsaday, waayo dadka deriska ah lama taaban,” ayuu yiri Cabdulaahi isagoo la hadlayay warbaahinta.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in colaadan muddo ay ka taagneed deegaano hoostaga magaalada Mandheere ee Gobolka Waqooyi Barri Kenya.

Mas’uuliyiinta gobolka Mandheera ayaan weli si rasmi ah uga hadlin weerarka, hase yeeshee ilo amni ayaa sheegay in baaritaan la billaabay, iyadoo lagu raad joogo dadkii ka dambeeyay falkan foosha xun.

Weerarkan ayaa abuuray cabsi xooggan, iyadoona laga cabsi qabo in colaada ay ku faafto deegaanada kale ee hoostaga magaalada Mandheere ee Gobolka Waqooyi Barri.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles