Ciidamada xoogga iyo kuwa Daraawiishta KGS oo weerar ku qaaday duleedka deegaanka Deynuunay ee Gobolka Baay

Ciidanka Daraawiishta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya Guutada 8-aad ee ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyin hoostaga deegaanka Deynuunaay, oo ku yaalla gobolka Baay.

Howlgalkaan oo si taxadar leh loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday saldhigyo iyo fariisimo ay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ku lahaayeen duleedka deegaankaas. Saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka ayaa sheegay in weerarka lagu dilay tiro badan oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwa kalena ay goobta ka firxadeen.

Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa burburiyay goobo muhiim ah oo ay Al-shabaab u adeegsan jireen xarumo tababar, kayd hub iyo saldhigyo istiraatiiji ah. Waxaa sidoo kale la sheegay in lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo agab ciidan iyo dukumeenti muujinaya qorshayaal ay kooxdaasi damacsanayd in ay ku dhibaateeyaan shacabka deegaanka.

Saraakiisha ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoreynayo deegaannada weli gacanta ugu jira kooxaha argagixisada. Wuxuu intaasi ku dareen in ciidamada ay wadaan baaritaanno dheeri ah si loo xaqiijiyo amniga guud ee gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo ballanqaadday in dib loo dhisi doono buundada Baardheere

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal...

Diyaarado dagaal oo duqeyn ka fuliyay duleedka Afmadow

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay duleedka...

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta oo Qaahira ku shiraya

Waxaa maanta magaalada Qaahira ka furmaya shirka Wasiirrada Arrimaha...

Wada-hadallo lagu mideynayo mucaaradka oo u socda Deni, Farmaajo, Khayre, Cumar Cabdirashiid iyo CCW

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wada-hadallo hoose ay...

DFS oo raalligelin ka Bixisay dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Faarax...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles