DFS iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo shir uga furmay Magaalada Nairobi

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hay’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, shirkan oo diiradda lagu saarayo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa maalgelin ku saabsan horumarinta ilaha wax soo saarka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige oo hoggaaminaya xubnaha kala duwan ee shirkaan ka qeyb galaya oo ka kooban xafiisyada Madaxeynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala ah Maaliyadda, Qorsheynta, Batroolka, Bangiga Dhexe, Hay’adda Warbixinada Maaliyadda, Hay’adda Istaatistikada Qaranka iyo xafiiiska Xisaabiyaha Guud.

Shirkan oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa intiisa badan waxaa lagu gorfayn doonaa, wixii u qabsoomay Dowladda Soomaaliya tan iyo markii lagu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deymihii lagu lahaa, sidoo kale waxa uu noqonayo qorshaha ku aadan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sidii loo maalgelin lahaa mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya gaarsiin kara isku filnaan dhaqaale.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa faahfaahin buuxda ka bixiyay dadaalka Dowladda ee ku aadan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo casriyeynta ilaha dakhliga, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay hadda ku socdaan hannaankii saxda ahaa ee lagu gaari lahaa horumar maaliyadeed.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles