Thursday, January 29, 2026

Madaxweynaha dalka Rwanda oo mar kale ku guuleystey talada dalkaas

Guddiga doorashada Rwanda ayaa sheegay in doorashadi madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday Isniinti shalay uu ku guuleystay madaxweyne Paul Kagame.

Guush Kagame oo aheyd mid la filayay, ayay guddiga doorashada sheegeen, in 99% codadka la tiriyay uu helay madaxweyne Paul Kagame, taasoo sii dheereyneysa xukunkiia 30 gu’jirsaday, ee dalkaasi dhaca Bariga Africa.

Labadi murashax ee Kagame kula tartantay doorashadi shalay oo kala ah— Frank Habineza oo ka socday xisbiga Democratic Green Party iyo Philippe Mpayimana oo ahaa murashax si iskiis ah isu matalayay, ayaa labuda helay wax ka yar 1% codadki la dhiibtay.

Natiijadan ayaa la mid ah tii kasoo baxday doorashadi madaxtinimada Rwanda ee sannadki 2017-ki, markaas oo uu Kagame ku guuleystay ku dhawaad 99% codadki ay dhiibteen shacabka dalkiisa.

Natiijada rasmiga ah ee doorashadan ayaa lagu dhawaaqi doonaa 27-ka bishan July,Paul Kagame oo ah 66-jir ayaa soo xakumayay Rwanda tan iyo dhamaadki xasuuqi 1994-ki ee dalkaasi. Waxana uu ka mid yahay madaxda ugu waqtiga dheer Africa ee xilligaan.

Guddoomiyaha NEC Oda Gasinzigwa ayaa sheegtay in in ka badan 300 oo goob joogayaal caalami ah ay ku sugan yihiin Rwanda, iyadoo ay wehlinayaan ilaa 700 oo goobjoogayaal maxalli ah.

Dadka naqdiya siyaasaddiisa ayaa sheegay, in ay iska caddeyd natiijada doorashada ka hor inta aanan la aadin sanaadiiqda codadka, sababtoo ah, xakumadda Kagame ayaa u diidday in ay tartamaan, laba murashax oo ka mid ahaa kuwi ugu cadcaddaa mucaaridka Rwanda.

Rwanda oo ka mid ah dalalka aanan badda laheyn ee Africa ayaa waxaa ku nool 14 milyan oo ruux. Wuxuu ka mid yahay dalalka sida aadka ah u sii koraya ee Africa, waxana lagu tiriyaa dalalka ugu xasilloon uguna horumarsan Bariga Africa.

WARARKII KALE

Gen Odawaa oo xilka laga qaaday iyo taliye cusub oo la magacaabay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilka ka...

Ciidamada DF oo gacanta ku dhigay Keyd Miinooyin ah oo Al-shabaab ay ku lahaayeen Jabad Godane

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keyd...

Mareykanka oo sheegay in Soomaaliya ay qaadatay mas’uuliyadda bakhaarkii la jabsaday, dibna u fasaxay gargaarka

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay dib u billowday gargaarkii...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo MW Xasan Sheekh ugu digay in BF ku caddaadiyo meelmarinta Dastuurka

Goluhu wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Puntland oo sheegtay in dad badan ay u geeriyoodeen Biyo la’aan ka jirto Gobolka Mudug

Inta la xaqiijiyay todobada qof oo carruur u badan...

RW Xamsa oo xalay kulan la qaatay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles