Friday, February 7, 2025

Galmudug oo ka hadashay hubkii gacanta u galay reer Caabudwaaq

Gaadiid hub tiro badan waday kana yimid dhinaca dalka Itoobiya ayaa shalay lagu weeraray deegaan duleedka ka ah degmada Caabudwaaq, waxaana hubkaasi markii dambe gacanta ku dhigay oo boobay maleeshiyaadkii hubeysnaa iyo dad shacab ah.

Hubkan iyo gaadiidkii waday oon ilaa hadda la ogeyn cidda iska leh ayaa gacanta u galay maleeshiyaad iyo shacab kasoo jeeda degmada Caabudwaaq, waxaana laga adkaaday ciidamo katirsan dowladda oo ilaalo u ahaa hubka maleeshiyaadka la wareegeen.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga maamulka Galmudug ,Cali Baashi Cabdullaahi Cigaal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in heleen xogta gaadiid waa weyn oo waday hub kala duwan gacanta u galeen dadka deegaanka Caabudwaaq.

Waxa uu sheegay wasiirka in maleeshiyadaka deegaanka heleen xogta baabuurta hubka siday oo markii hore loogu sheegay in ay wadaan teendhooyin, waxa uuna xusay in dagaal dhax maray ciidamo gaadiidka ilaalinayay iyo maleeshiyaadka kaddib la boobay hubkii gaadiidka saarnaa.

Cali Baashi ayaa sheegay in maamulka Galmudug hadda bilaabeen baaritaanno ku aadan hubkan gacanta u galay maleeshiyaadka Caabudwaaq kasoo jeeda halka uu ka yimid , halka uu ku socday iyo waliba cidda iska laheyd hubkaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in walaac xooggan ka qabaan maamul ahaan hubka sida fudud dadka shacabka ah gacanta ugu galay, waxa uuna xusay in muddooyinkii dambe ay jireen dagaallo qabiil salka ku hayay oo ka dhacayay deegaanno hoostaga Caabudwaaq.

Hubka la boobay gacantana u galay dadka shacabka ah ayaa la sheegay in ay u badan yihiin qoryaha loo yaqaan AK-47 iyo sidoo kale biskoolado, waxaa sidoo kale la sheegay in ay ku jiraan hub kale oo ay kamid yihiin qoryaha loo yaqaan dabajeexa.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xoojiyay Baaqa Golaha XFS Ee Dagaalka Ka Dhanka Ah Daacish

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 06/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Donald Trump oo sheegay in Israa’iil ay ku wareejin doonto Qaza Mareykanka,

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Israa’iil ay...

Wararkii ugu danbeeyay ee colaadda Sudan

Ilo-wareedyo ciidan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay...

Firdhiye oo furay dugsiga tababarka ciidanka Daraawiishta SSC

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa maanta...

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Gudoomiyay Kulanka Guddiga Joogta ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles