Jubaland Oo Fagaare Ku Toogatay Shan Shabaab Ah Oo Hore Dil Uga Geystay Kismaayo

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay shan nin oo ka tirsanaa  kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo horay magaalada Kismaayo uga gaystay dilal kala duwan xili ay qeyb ka ahaayeen madax jabiska kooxda.

Gacan kudhiiglayaasha saaka la tooktay ayaa kala ahaa  Maxamed Cabdullaahi Abukar Deerow, Cismaan Maxamed Mursal oo horay u dilay AUN marxuum Sheekh Cumar Maxamed Daahir, halka Gacan ku dhiigle Maxamed Ibraahim Cali iyo gacan ku dhiigle Ilyaas Maxamed Xassan oo iyaguna si wadajira u fuliyay dilkii ANU Marxuum Sheekh Cabdullaahi Dalab saaka la tooktay gacan ku dhiiglaha shanaad ayaa ahaa Ugaas Aadan Maxamed Geedi oo haray Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ay dil toogasho ah ugu xukuntay kaas oo magaalada Kismaayo iyo agagaarkeeda ka gaystay qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa warbaahinta u sheegay iney tiirka geyn doonaan cid kasta si bareer ah dil u geysta, wuxuuna fariin u diray xubnaha Shabaabka ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles