Sunday, February 9, 2025

DFS oo war kasoo saartay hubkii shalay lagu qabtay deegaanka Shiila-madow

War-saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya, ayaa looga hadlay hubkii shalay maleeshiyaad iyo dadka deegaanka ku furteen kuna boobeen deegaan dhaca duleedka degmada Caabdudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Warka kasoo baxay Wasaaradda Amniga ayaa lagu sheegay in hay’adaha amniga ee DFS gacanta ku dhigeen hub sharcidarro ah oo dalka laga soo galinayay dhinaca Itoobiya, waxa ayna wasaaraddu sheegtay in hubkaasi uu ahaa mid la doonayay in si sharcidarro ah looga ganacsado.

Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in hubka laamaha Amnigu markay gacanta kusoo dhigeen ay jidgooyo  kala kulmeen maleeshiyaad hubaysan, taas oo  sababtay in hubka qaar ka mid ah uu gacanta u galo maleeshiyaadkaasi jidgooyada dhigtay.

Warka ayaa intaa lagu daray in dawladda Soomaaliya  ay ka xuntahay falkaas foosha xun oo ay ku dhaqaaqeen maleeshiyaadkaas wadada u galay ciidanka Qaranka ee ku jiray gudashada waajibaadkooda Qaran, waxaana ka go’an in hubkaas lagu soo celiyo gacanta dawladda talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas xadgudubka ah.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha SODMA oo gaaray dalka Kuwait

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA,...

Dowladda Soomaaliya oo Aroos Dhigaysa Lammaane Katirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku guurinaysa lammaane mid ka...

Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay shir Muhiim Ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xamaas oo maanta ah sii deyneysa 3 la heyste oo Israa’iiliyiin ah

Xamaas ayaa Sabtida maanta ah sii deyneysa 3 la...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 07/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles