Madaxweynaha dalka Rwanda oo mar kale ku guuleystey talada dalkaas

Guddiga doorashada Rwanda ayaa sheegay in doorashadi madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday Isniinti shalay uu ku guuleystay madaxweyne Paul Kagame.

Guush Kagame oo aheyd mid la filayay, ayay guddiga doorashada sheegeen, in 99% codadka la tiriyay uu helay madaxweyne Paul Kagame, taasoo sii dheereyneysa xukunkiia 30 gu’jirsaday, ee dalkaasi dhaca Bariga Africa.

Labadi murashax ee Kagame kula tartantay doorashadi shalay oo kala ah— Frank Habineza oo ka socday xisbiga Democratic Green Party iyo Philippe Mpayimana oo ahaa murashax si iskiis ah isu matalayay, ayaa labuda helay wax ka yar 1% codadki la dhiibtay.

Natiijadan ayaa la mid ah tii kasoo baxday doorashadi madaxtinimada Rwanda ee sannadki 2017-ki, markaas oo uu Kagame ku guuleystay ku dhawaad 99% codadki ay dhiibteen shacabka dalkiisa.

Natiijada rasmiga ah ee doorashadan ayaa lagu dhawaaqi doonaa 27-ka bishan July,Paul Kagame oo ah 66-jir ayaa soo xakumayay Rwanda tan iyo dhamaadki xasuuqi 1994-ki ee dalkaasi. Waxana uu ka mid yahay madaxda ugu waqtiga dheer Africa ee xilligaan.

Guddoomiyaha NEC Oda Gasinzigwa ayaa sheegtay in in ka badan 300 oo goob joogayaal caalami ah ay ku sugan yihiin Rwanda, iyadoo ay wehlinayaan ilaa 700 oo goobjoogayaal maxalli ah.

Dadka naqdiya siyaasaddiisa ayaa sheegay, in ay iska caddeyd natiijada doorashada ka hor inta aanan la aadin sanaadiiqda codadka, sababtoo ah, xakumadda Kagame ayaa u diidday in ay tartamaan, laba murashax oo ka mid ahaa kuwi ugu cadcaddaa mucaaridka Rwanda.

Rwanda oo ka mid ah dalalka aanan badda laheyn ee Africa ayaa waxaa ku nool 14 milyan oo ruux. Wuxuu ka mid yahay dalalka sida aadka ah u sii koraya ee Africa, waxana lagu tiriyaa dalalka ugu xasilloon uguna horumarsan Bariga Africa.

WARARKII KALE

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

Hindiya oo Soomaaliya Kala Hadashay Afduubka Laba Markab iyo 22 Badmaax oo Hindi ah

Hindiya ayaa Soomaaliya kala hadashay afduubka laba markab oo...

Iiraan oo Cumaan iyo Masar kala tashatay sidii dib loogu bilaabi lahaa wadaxaajoodyada loona yareyn lahaa xiisadda

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Abbas Araqchi ayaa taleefanno kala...

Garsoore Mareykan ah oo xayiradda fiisaha ka qaaday Soomaaliya iyo 74 dal oo kale

Garsoore Mareykan ah ayaa Jimcihii 21-kii Agoosto baabi’iyay siyaasadda...

Trump oo markale Marinka Hormuz ku tilmaamay inuu yahay “dhul Mareykan ah”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa baraha bulshada soo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles