Israa’iil oo ka hadashay qorshahooda ku aadan Qaza iyo duqeymo xooggan oo dhacay

Duqeymo xooggan oo dhanka cirka ah oo Israel ay ku qaaday xarun caafimaad oo ku taala koonfurta Qaza ayaa waxaa ku dhintay dad aad u badan.

Hay’adda difaaca madaniga ah ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in ugu yaraan siddeed iyo labaatan qof ay dhinteen ka dib markii duqeymaha ay ku dhaceen isbitaalka ku yaala magaalada Khan

Wararka ayaa sheegaya in bartilmaameedku ahaa Maxamed Sinwar oo la dhashay hoggaamiyihii la dilay ee Xamaas, Yahya Sinwar, balse ma jiro war faahfaahsan oo ilaa hadda soo baxay.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in militariga Israa’iil ay sii wadi doonaan howlgallada ay ka wadaan marinka Qaza maalmaha soo socda “si buuxda”, isagoo carabka ku adkeeyay in dagaalku uusan hadda joogsan doonin.

Netanyahu ayaa xaqiijiyay in Israa’iil ay ka shaqeyneyso sidii ay u heli lahayd dalal aqbali kara dadka deggan Gaza, isagoo ka dhawaajiyay dadaallo suurtagal ah oo lagu doonayo in lagu dejiyo qaar ka mid ah dadka deggan Marinka meel ka baxsan dhulka Falastiin.

Waxa uu intaa ku daray, “Ma arko xaalad ay Israa’iil joojin doonto dagaalka hadda, waan sii wadi doonnaa ilaa aan ka gaarno hadafyadayada amniga.”

Subaxnimadii hore ee Talaadada, millatariga Israel ayaa ku dhawaaqay in ay duqeeyeen “xarunta taliska iyo maamulka Xamaas” ee ku dhex taal isbitaal ku yaal Gaza, taasoo xarakadu u adeegsanaysay fulinta “hawlaha argagixisada,” waa sida ay hadalka loo dhigtay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo ballanqaadday in dib loo dhisi doono buundada Baardheere

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal...

Diyaarado dagaal oo duqeyn ka fuliyay duleedka Afmadow

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay duleedka...

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta oo Qaahira ku shiraya

Waxaa maanta magaalada Qaahira ka furmaya shirka Wasiirrada Arrimaha...

Wada-hadallo lagu mideynayo mucaaradka oo u socda Deni, Farmaajo, Khayre, Cumar Cabdirashiid iyo CCW

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wada-hadallo hoose ay...

DFS oo raalligelin ka Bixisay dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Faarax...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles