Israa’iil oo ka hadashay qorshahooda ku aadan Qaza iyo duqeymo xooggan oo dhacay

Duqeymo xooggan oo dhanka cirka ah oo Israel ay ku qaaday xarun caafimaad oo ku taala koonfurta Qaza ayaa waxaa ku dhintay dad aad u badan.

Hay’adda difaaca madaniga ah ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in ugu yaraan siddeed iyo labaatan qof ay dhinteen ka dib markii duqeymaha ay ku dhaceen isbitaalka ku yaala magaalada Khan

Wararka ayaa sheegaya in bartilmaameedku ahaa Maxamed Sinwar oo la dhashay hoggaamiyihii la dilay ee Xamaas, Yahya Sinwar, balse ma jiro war faahfaahsan oo ilaa hadda soo baxay.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in militariga Israa’iil ay sii wadi doonaan howlgallada ay ka wadaan marinka Qaza maalmaha soo socda “si buuxda”, isagoo carabka ku adkeeyay in dagaalku uusan hadda joogsan doonin.

Netanyahu ayaa xaqiijiyay in Israa’iil ay ka shaqeyneyso sidii ay u heli lahayd dalal aqbali kara dadka deggan Gaza, isagoo ka dhawaajiyay dadaallo suurtagal ah oo lagu doonayo in lagu dejiyo qaar ka mid ah dadka deggan Marinka meel ka baxsan dhulka Falastiin.

Waxa uu intaa ku daray, “Ma arko xaalad ay Israa’iil joojin doonto dagaalka hadda, waan sii wadi doonnaa ilaa aan ka gaarno hadafyadayada amniga.”

Subaxnimadii hore ee Talaadada, millatariga Israel ayaa ku dhawaaqay in ay duqeeyeen “xarunta taliska iyo maamulka Xamaas” ee ku dhex taal isbitaal ku yaal Gaza, taasoo xarakadu u adeegsanaysay fulinta “hawlaha argagixisada,” waa sida ay hadalka loo dhigtay.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles