Qatar oo martigelineysa shir dhaqaale loogu raadinayo Ciidamada Nabad Ilaalinta Soomaaliya ee AUSSOM

Dalka Qatar ayaa dhamaadka bishan martigelin doona shir heer caalami ah oo lagu taageerayo howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AUSSOM (African Union Somalia Mission).

Shirka ayaa diiradda saari doona sidii dhaqaale dheeraad ah loogu heli lahaa ciidamada nabad ilaalinta si ay u sii wadaan howlgalladooda nabad-dhisidda iyo la-dagaallanka argagixisada.

Shirkan ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan wakiillo ka socda Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya, iyo sidoo kale madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qatar, oo muddooyinkii dambe kaalin muuqata ka qaadanaysay arrimaha gobolka, ayaa ballan qaaday inay door muuqda ka ciyaari doonto dadaallada lagu xoojinayo amniga Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa si degdeg ah ugu baaqday in la helo $41.6 milyan oo dheeraad ah si loo xoojiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya (AUSSOM),

Dowladda Mareykanka ayaa si weyn uga soo horjeestay inay wax lacag ah ku bixiso howlgalka AUSSOM iyada oo la adeegsanayo qaabka 2719, isagoo sheegay in Soomaaliya aysan u qalmin qaabkaas, islamarkaana la doonayo habab kale oo maalgelin ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles