Tuesday, July 7, 2026

DFS oo war kasoo saartay hubkii shalay lagu qabtay deegaanka Shiila-madow

War-saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya, ayaa looga hadlay hubkii shalay maleeshiyaad iyo dadka deegaanka ku furteen kuna boobeen deegaan dhaca duleedka degmada Caabdudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Warka kasoo baxay Wasaaradda Amniga ayaa lagu sheegay in hay’adaha amniga ee DFS gacanta ku dhigeen hub sharcidarro ah oo dalka laga soo galinayay dhinaca Itoobiya, waxa ayna wasaaraddu sheegtay in hubkaasi uu ahaa mid la doonayay in si sharcidarro ah looga ganacsado.

Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in hubka laamaha Amnigu markay gacanta kusoo dhigeen ay jidgooyo  kala kulmeen maleeshiyaad hubaysan, taas oo  sababtay in hubka qaar ka mid ah uu gacanta u galo maleeshiyaadkaasi jidgooyada dhigtay.

Warka ayaa intaa lagu daray in dawladda Soomaaliya  ay ka xuntahay falkaas foosha xun oo ay ku dhaqaaqeen maleeshiyaadkaas wadada u galay ciidanka Qaranka ee ku jiray gudashada waajibaadkooda Qaran, waxaana ka go’an in hubkaas lagu soo celiyo gacanta dawladda talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas xadgudubka ah.

WARARKII KALE

 Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha JFS oo waddo cusub ka dhagax dhigay Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

26 qof ayaa ku dhimatay rabshado ka dhacay xabsi ku yaal Sri Lanka

Rabshado ka socday labo maalmood xabsiga Negombo, oo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh”Dadka Soomaaliyeed waxay direen fariin doorasho qof iyo cod ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles