Wednesday, July 2, 2025

Garoonka Ben Gurion oo la xiray ka dib gantaalo lagu weeraray

Xuutiyiinta Yemen, ayaa gantaallo ku weerarray Israa’iil, iyadoo weerarka u muuqdo in looga jawaabayo weerarro arxan darro ah oo ay Israa’iil maanta ka geysatay marinka Qasa oo lagu dilay in ka badan boqol ruux oo haween iyo carruur u badan.

Gantaalaha laga soo tuuray Yemen  ayaa qasbay in  xalay mar kale la  xiro garoonka diyaaradaha Ben Gurion ee magaalada Tel aviv.

Malaayiin Israa’iiliyana ayaa waxa ay mar kale u carareen godad hoosaadyo ah, ka dib markii ay maqleen seeriga digniinta waxaana wararku sheegayaan dad dhaawacyo soo gaareen xilligii ay u cararayeen godadka .

Tani waxay ku soo beegantay maalin kadib markii la qabtay 3 gantaal oo kale 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, tan iyo markii kooxda Ansaar Allah (Xuutiyiinta) ay ku dhawaaqeen in Israa’iil laga reebay heshiiskii ay la galeen Maraykanka.

Israa’iil waxay duqeymahan dhimashada badan dhaliyay ka geysatay Qasa, xilli xiligan oo kale Falastiiniyiinta ay xusaan maalintii laga soo barakiciyay dhulkooda oo ku aaddan aasaaska Israa’iil , sannadkii 1948.

Qiyaastii 750,000 oo Falastiiniyiin ah ayay xoogaga militariga Sahyuuniyadda ku khasbeen inay guryahooda ka baxaan ka hor iyo intii ay abuurmeen nidaamka Israa’iil intii u dhaxaysay 1947 iyo 1949. Ilaa 530 magaalo iyo tuulooyin falastiiniyiin ah ayaa la burburiyay.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 01/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW ku xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galay shir ka dhacay dalka Spain

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska 1 Luulyo ee maanta lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax dhigay...

Madaxii Miinooyinka Al-shabaab u qaabilsanaa G/Sh/hoose iyo ilaaladiisa oo la dilay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka...

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka...

Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles