Monday, March 16, 2026

Garoonka Ben Gurion oo la xiray ka dib gantaalo lagu weeraray

Xuutiyiinta Yemen, ayaa gantaallo ku weerarray Israa’iil, iyadoo weerarka u muuqdo in looga jawaabayo weerarro arxan darro ah oo ay Israa’iil maanta ka geysatay marinka Qasa oo lagu dilay in ka badan boqol ruux oo haween iyo carruur u badan.

Gantaalaha laga soo tuuray Yemen  ayaa qasbay in  xalay mar kale la  xiro garoonka diyaaradaha Ben Gurion ee magaalada Tel aviv.

Malaayiin Israa’iiliyana ayaa waxa ay mar kale u carareen godad hoosaadyo ah, ka dib markii ay maqleen seeriga digniinta waxaana wararku sheegayaan dad dhaawacyo soo gaareen xilligii ay u cararayeen godadka .

Tani waxay ku soo beegantay maalin kadib markii la qabtay 3 gantaal oo kale 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, tan iyo markii kooxda Ansaar Allah (Xuutiyiinta) ay ku dhawaaqeen in Israa’iil laga reebay heshiiskii ay la galeen Maraykanka.

Israa’iil waxay duqeymahan dhimashada badan dhaliyay ka geysatay Qasa, xilli xiligan oo kale Falastiiniyiinta ay xusaan maalintii laga soo barakiciyay dhulkooda oo ku aaddan aasaaska Israa’iil , sannadkii 1948.

Qiyaastii 750,000 oo Falastiiniyiin ah ayay xoogaga militariga Sahyuuniyadda ku khasbeen inay guryahooda ka baxaan ka hor iyo intii ay abuurmeen nidaamka Israa’iil intii u dhaxaysay 1947 iyo 1949. Ilaa 530 magaalo iyo tuulooyin falastiiniyiin ah ayaa la burburiyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Koofur Galbeed oo magacawday Afhayeen cusub una diyaar garowday dagaal

Wasiirkii hore ee warfaafinta Koofur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi...

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran Hindiya

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Dilka Askari Ka Tirsanaa Booliiska Puntland oo Ka Dhacay Gaalkacyo

Waxaa xalay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca waqooyi, lagu...

Khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay MW Xasan Sheekh iyo Lafta Gareen

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf siyaasadeed oo...

Shiinaha oo Soomaaliya ka taageeraya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo Daacish

Wang Yi, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee China, ayaa kulan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles