Golaha amaanka oo kulan xasaasi ah ka yeelanaya xaalada Somalia

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in uu cod u qaado hirgelinta qaabka maalgelinta (hybrid) ee lagu taageerayo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) kaasoo beddelay ATMIS

Qaabkan isku darka ah ee loo yaqaan (hybrid) ayaa lagu qeexay Qaraarka 2719 oo la ansixiyay bishii Diseembar 2023, wuxuuna dhigayaa in Qaramada Midoobay ay bixiso 75% kharashka hawlgalka halka 25% ay ka timaado Midowga Afrika iyo deeq-bixiyeyaasha kale

Hirgelinta AUSSOM ayaa lagu wadaa in si rasmi ah loo bilaabo bisha Luulyo 2025

Mareykanka ayaa ka digay in hirgelinta degdegga ah ee qaabka (hybrid ) ay suuragal ka dhigi karto in Qaramada Midoobay ay bixiso in ka badan 90% kharashka hawlgalka  taasoo ka baxsan xadka la isla ogolaaday

Mareykanka wuxuu soo jeediyay in la sameeyo waxa loo yaqaan (bridging mechanism) oo labo sano ah si loo dhamaystiro qaab-dhismeedka iyo xalinta caqabadaha miisaaniyadda howlgalka AUSSOM

Dhanka kale, Midowga Yurub iyo dalalka la isku dhaho “A3 plus” (Algeria, Mozambique, Sierra Leone, Guyana) ayaa si xooggan u taageersan hirgelinta degdegga ah, iyaga oo ka digay in dib u dhaca uu carqaladeyn karo howlaha xasilinta Soomaaliya

Go’aanka la filayo ee Golaha Ammaanka wuxuu si toos ah u saameyn doonaa mustaqbalka hawlgalka AUSSOM iyo dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada  Haddii la ansixiyo maalgelinta joogtada ah ayaa loo heli doonaa hawlgalka, balse haddii la diido ama dib loo dhigo, waxaa jiraya cabsi ah in hawlgalka uu wajaho caqabado dhaqaale, taasoo wiiqi karta howlgallada nabad ilaalinta Soomaaliya

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles