Golaha amaanka oo kulan xasaasi ah ka yeelanaya xaalada Somalia

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in uu cod u qaado hirgelinta qaabka maalgelinta (hybrid) ee lagu taageerayo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) kaasoo beddelay ATMIS

Qaabkan isku darka ah ee loo yaqaan (hybrid) ayaa lagu qeexay Qaraarka 2719 oo la ansixiyay bishii Diseembar 2023, wuxuuna dhigayaa in Qaramada Midoobay ay bixiso 75% kharashka hawlgalka halka 25% ay ka timaado Midowga Afrika iyo deeq-bixiyeyaasha kale

Hirgelinta AUSSOM ayaa lagu wadaa in si rasmi ah loo bilaabo bisha Luulyo 2025

Mareykanka ayaa ka digay in hirgelinta degdegga ah ee qaabka (hybrid ) ay suuragal ka dhigi karto in Qaramada Midoobay ay bixiso in ka badan 90% kharashka hawlgalka  taasoo ka baxsan xadka la isla ogolaaday

Mareykanka wuxuu soo jeediyay in la sameeyo waxa loo yaqaan (bridging mechanism) oo labo sano ah si loo dhamaystiro qaab-dhismeedka iyo xalinta caqabadaha miisaaniyadda howlgalka AUSSOM

Dhanka kale, Midowga Yurub iyo dalalka la isku dhaho “A3 plus” (Algeria, Mozambique, Sierra Leone, Guyana) ayaa si xooggan u taageersan hirgelinta degdegga ah, iyaga oo ka digay in dib u dhaca uu carqaladeyn karo howlaha xasilinta Soomaaliya

Go’aanka la filayo ee Golaha Ammaanka wuxuu si toos ah u saameyn doonaa mustaqbalka hawlgalka AUSSOM iyo dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada  Haddii la ansixiyo maalgelinta joogtada ah ayaa loo heli doonaa hawlgalka, balse haddii la diido ama dib loo dhigo, waxaa jiraya cabsi ah in hawlgalka uu wajaho caqabado dhaqaale, taasoo wiiqi karta howlgallada nabad ilaalinta Soomaaliya

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles