Ra’isul Wasaare Xamse oo ka qeyb galay Bandhig Muhiim ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay shirka Bandhigga Teknoolajiyadda Beeraha Soomaaliyeed, kaas oo lagu soo bandhigayey caqabadaha beeraleyda dalkeenna haysta iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso kor u qaadidda wax-soosaarka iyo dalagyada beeraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay sameysay qorshe isbeddel Qaranka oo mudnaanta siinaya wax-soo-saarka gudaha dalkeenna, isaga oo ugu baaqay beeralayda Soomaaliyeed in ay laba jibbaaraan tacabka beeraha, si ay u soo saaraan cunnno ku filan dalka, mustaqbalkana ay ugu dhoofiyaan dunida.

Dhibaatooyinka saameynta ku yeeshay wax-soo-saarka beeraleyda Soomaaliyeed, ayuu ku tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in ay ugu waaweyn yihiin isbeddelka cimillada iyo argagixisada oo ragaadiyey dhulkii ku habboonaa tacabka, waxa uuna kula dardaarmay beeraleyda in wadajir loogu istaago sidii loo ciribtiri lahaa Khawaarijta hortaagan horumar laga sameeyo wax soo saarka dalkeenna.

 

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles