Shir heerkiisu sarreeyo oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta daah-furay shir heerkiisu sarreeyo oo lagu falanqeynayo saameynta dhaqaale ee xulashooyinka qaab-dhismeedka dastuurka Jamhuuriyadda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in dib uuegista dastuurku ay mareyso heer wanaagsan, isla markaana afar cutub baarlamaanku horey u ansixiyey, shan kalena hadda ay hortaalo oo la tashiyadoodu soo dhammaadeen, waxaana uu hoosta ka xariiqay in xukuumadda ay ka go’an tahay in ay dhammeystirto cutubyada harsan

“Xukuumadda DanQaran waxaa ka go’an inay dhammeystirto dib u eegista dastuurka, waa mas’uuliyad ay dowladdu si sharci ah u leedahay waana ballan qaadeynaa inaan dhammeystirno cutubyada harsan” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaaladda arrimaha Dastuurka ayaa muhiim u ah qorshaha Xukuumadda ee dib u eegista dastuurka, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa bogaadiyey Wasaaradda iyo qubarada juhdiga galisay dib u eegista dastuurka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles