Sargaal ka goostay dowladda Federaalka oo Jubbaland isku dhiibay

Waxaa maanta degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo lagu soo bandhigay sargaal katirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya, kaa oo hadda sheegay in uu kasoo goostay dhinaca dowladda Federaalka kuna biiray maamulka Jubbaland.

Maxamuud Muxumed Saadey, oo horey uga tirsanaa ciidanka Jubbaland ee ku sugnaa gobolka Gedo, ayaa ka goostay ciidankaasi, waxa uuna ku biiray ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna sargaalkan ku dhaawacmay dagaal ka dhacay Gedo, iyada oo lagu soo daweeyay Muqdisho.

Sargaalkan oo la hadlay warbaahinta , ayaa sheegay in marii uu ka goosanayay Jubbaland ay dowladda Federaalka u sameysay ballanqaadyo balse looga baxay, waxa uuna xusay in uu hadda ka goostay dhinaca dowladda dibna ugu laabtay maamulka Jubbaland uu horey uga soo baxay.

Waxa uu sheegay sargaalkan in la qalday uuna hadda gartay qaladkii uu ku dhacay, waxa uuna dadka reer Jubbaland gaar ahaan kuwa Gedo jooga ugu baaqay in ay ka fogaadaan dadka diidan Jubbaland, isagoo tilmaamay in been loo sheegayo berina ka shalay doonaan.

Sargaalkan maanta isku soo dhiibay ciidanka Jubbaland, ayaa sheegay in isaga iyo ciidamo uu watay loo ballanqaaday in la qorayo lana siinayo mushaar, balse waxuu tilmaamay in arrintaasi been noqotay loogana baxay ballamihii laga qaaday, isaga iyo ciidankii uu ku biiriyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles