Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay deegaanka Mubaax iyo gulufka oo xoogeystay

Taliska Ciidamadda Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxay fuliyeen weeraro dhanka cirka ah oo ka dhacay duleedka Degmadda Aadan Yabaal meel u dhow deegaanka Mabaax ee Gobaladda Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM, duqeyntan ayaa qayb ka ah dadaallada is-kaashi ee u dhexeeya dowladda Mareykanka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo wiiqo awoodda kooxda Al-Shabaab. “Taliska Mareykanka ee Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamadda Qalabka Sida ee Xoogga Dalka Soomaaliya, ayaa sii wadi doona tallaabooyin lagu yareynayo qorsheynta, fulinta, khataraha iyo awoodda kooxda Al-Shabaab ee weerarada halista ku ah Mareykanka, saaxiibadeenna iyo dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

Africom ma sheegin khasaaraha ay gaarsiiyeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Duqeyntan ayaa dhacday xilli ay socdeen dagaallo culus oo ka dhacayey deegaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Gobolka Hiiraan, kuwaas oo u dhexeeyay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xoogagga deegaanka (Macawiisley), oo garab ka helaya shacabka deegaanka, iyo kooxda Al-Shabaab. Dagaalladaasi ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinacba.

 Dhanka kale inta u dhexeysa soohdinta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe ayaa waxaa xalay ka dhacay duqeymo lala beegsaday saldhigyo maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku leeyihiin halkaasi.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymaha.

Duqeyman ayaa ku soo aadaya xili ciidamadii ugu badnaa oo gurmad ah ay gaareen xadka kala qeybiya gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe, kuwaasi oo ku biiray dagaalka ka socda Hirshabelle.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles