Mucaaradkii ugu badnaa oo ku soo wajahan Muqdisho iyo kulamo ka dhan MW Xasan Sheekh oo bilaabanaya

Magaalada Muqdisho ayaa maanta marti gelin doonta qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu miisaanka culus ee dalka, kuwaasi oo horey usoo qabtay xilal sare sida Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Madaxdan ayaa si weyn u dhaliilsan siyaasadda dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo hadda u muuqda kuwo mideynaya mowqifkooda siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaareyaashii hore Xasan Cali Khayre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta lagu wadaa in ay soo gaaraan caasimadda, iyadoo la filayo in ay kulamo muhiim ah la yeeshaan siyaasiyiin kale oo Mucaarad ah.

Sidoo kale, toddobaadka soo socda waxaa Muqdisho kusoo wajahan siyaasiyiin caan ah oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaareyaashii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa kale oo magaalada kusoo fool leh Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Federaalka, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, kuwaasoo door muhiim ah ka ciyaarayay siyaasadda dalka sanadihii la soo dhaafay.

Wararka ayaa sheegaya in xubnahan Mucaaradka ah ay ku howlan yihiin abaabul siyaasadeed oo xooggan, kaasi oo lagu doonayo in lagu mideeyo afkaartooda si ay u kordhiyaan cadaadiska ay saareen dowladda hadda jirta.

Ujeedka ugu weyn ee ay leeyihiin ayaa lagu sheegay in uu yahay in la helo hannaan siyaasadeed oo xasiloon, isla markaana ay qeyb weyn ka noqdaan go’aan ka gaarista mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli dalka uu wajahayo xaalado siyaasadeed oo cakiran, iyadoo shirar diblomaasiyadeed iyo abaabulo siyaasadeed ay si isdaba joog ah uga socdaan gudaha iyo dibedda dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles