Saturday, April 25, 2026

Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankiisa todobaadlaha ah ku yeeshay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xubnaha Guddiga Joogtada warbixin ka siiyay shaqooyinka Golaha horutebinta u leh inta ka harsan kalfadhiga lixaad, waxaana intaasi ka dib guddoomiyaasha guddiyada laga dhageystay warbixino ku saabsan shuruucda hortaala iyo habraacyada u harsan.

Ugu dambeyn xubnaha Guddiga Joogtada ayaa ajendeyn iyo jadwaleynba ku sameeyay ajendayaasha kulamada Golaha ee todobaadka soo socda, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray kula dardaarmay xubnaha Guddiga Joogtada in la dardargeliyo shaqada Golaha Shacabka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiiradda arrimaha dibadda ee Iran iyo Pakistan oo wadahadal yeeshay

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa saraakiil sare oo...

Taliyaha ciidamada xoogga oo gaaray degmada Xudur

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa...

Burcad badeed Soomaali ah oo afduubtay Markab shidaal oo laga leeyahay Pakistan

Burcadbadeed Soomaali ah ayaa la sheegay inay afduubteen markab...

Trump oo sheegay in Hubka Nukliyeerka uusan u adeegsan doonin Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in uusan hubka...

Xog dheeraad oo laga helay dhalinyaro Soomaali ah oo ku geeriyooday Algeria

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa ku dhowaad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles