Friday, April 24, 2026

Siyaasiyiin mucaarad oo Muqdisho gaaray

Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaaray qaar kamid ah siyaasiyiinta ugu waa weyn mucaaradka dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaa oo u sharaxan kursiga Madaxweynaha Soomaaliya doorashada qabsoomideeda muranka ka taagan yahay.

Garoonka Aadan Cadde waxaa soo gaaray laguna soo dhaweeyay Ra’isul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashadiid Cali Sharmaarke, kuwaa oo muddooyinkii lasoo dhaafay dalka dibadiisa ku sugnaa.

Xildhibaanno, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay siyaasiyiintan mucaaradka ee maanta Muqdisho yimid, waxaana loo galbiyay guryo ay magaalada ka degi doonaan.

Magaalada Muqdishio ayaa waxaa kusoo qulqulaya siyaasiyiinta mucaaradka ah kana soo horjeeda doorashada qof iyo cod, kuwaa oo caasimadda Muqdisho ka bilaabi doona kulamo siyaasadeed oo looga arrinsan doono xaalada dalka .

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiiradda arrimaha dibadda ee Iran iyo Pakistan oo wadahadal yeeshay

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa saraakiil sare oo...

Taliyaha ciidamada xoogga oo gaaray degmada Xudur

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa...

Burcad badeed Soomaali ah oo afduubtay Markab shidaal oo laga leeyahay Pakistan

Burcadbadeed Soomaali ah ayaa la sheegay inay afduubteen markab...

Trump oo sheegay in Hubka Nukliyeerka uusan u adeegsan doonin Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in uusan hubka...

Xog dheeraad oo laga helay dhalinyaro Soomaali ah oo ku geeriyooday Algeria

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa ku dhowaad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles