Wednesday, June 24, 2026

Mareykanka oo cunaqabatayn ku soo rogay dowladda Sudan

Mareykanka ayaa sheegay in Suudaan adeegsatay hub kiimiko ah waxuuna ku dhawaaqay cunaqabatayn cusub.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in dowladda Suudaan adeegsatay hub kiimiko ah sanadkii hore intii uu socday dagaalka sokeeye ee ka dhanka ah Ciidanka Gurmadka Degdegga ah (RSF).

Dhoofinta alaabaha Maraykanka ee Suudaan ayaa la xadidi doonaa iyo sidoo kale amaahda maaliyadeed laga bilaabo 6-da Juun, sida lagu sheegay bayaan uu akhriyay af hayeenka wasaaradda Tammy Bruce.

Milateriga Suudaan iyo kooxda dagaalka kula jirta ee RSF ayaa labaduba waxaa horay loogu eedeeyay dambiyo dagaal intii ay socdeen iskahorimaadyada u dhaxeeya.

In ka badan 150,000 oo qof ayaa lagu dilay intii uu socday iskahorimaadka, kaasoo billowday laba sano ka hor markii ciidamada Sudan iyo RSF ay billaabeen loolan adag oo ay ku doonayaan inay xukunka ku qabsadaan.

Bilihii la soo dhaafay, militariga Suudaan ayaa dib u qabsaday caasimadda Khartoum, balse dagaallo ayaa ka socda meelo kale.

Wax tafaasiil ah lagama bixin hubka kiimikada ah ee uu Maraykanku sheegay in uu helay, laakiin warsidaha New York Times ayaa soo wariyay bishii Janaayo in Sudan ay isticmaashay gaaska chlorine laba jeer, taas oo keenta waxyeelo kala duwan oo xanuun iyo dhaawac leh, isla markaana keeni karta dhimasho.

“Maraykanku waxa uu ugu baaqayaa dawladda Suudaan in ay joojiso dhammaan isticmaalka hubka kiimikada ah oo ay ilaaliso waajibaadka ka saaran Axdiga Hubka Kimikada,” ayaa lagu yidhi bayaanka, iyada oo tixraacaysa heshiiska hubka Kiimikada ah ee ay saxiixayaashu ku heshiiyeen in ay burburiyaan kaydadka hubka.

Xigasho:-BBC

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles