Monday, June 22, 2026

Wasiirka Maaliyadda oo guddoomiyay kulanka FGC

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka billaha ah ee guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda ee magaciisa loo soo gaabiyo #FGC, oo ay ku mideysan yihiin Dowladda Federaalka  iyo Hey’adaha Dhaqaalaha Adduunka ee wada-shaqeynta la leh Dowladda.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray horumarka iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha, xoojinta nidaamka Maamul-Wanaagga Maaliyadda, casriyeynta hannaanka iibka qaranka iyo xoojinta hufnaanta Maamulka Maaliyadda oo dhammantoodba la isla gartay in ay u socdaan habkii ugu wanaagsanaa iyo dhabbihii guusha.

Wasiirka Maaliyadda DFS Md Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha guddiga Maalul-Wanaagga Maaliyadda ayaa sheegay in Dowladdu ay ka go’an tahay ku dhaqmidda nidaam ay ku dheehan tahay daah-furnaan iyada oo la raacayo habka Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka.

Wasiirka ayaa  sidoo kale tilmaamay hannaanka isla xisaabtan ka iyo dowlad-Wanaaga in uu qeyb ka yahay kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya, isagoona xusay in horumar weyn laga gaaray kobcinta dhaqaalaha muddooyinkii ugu dambeeyay.

WARARKII KALE

R/wasaaraha UK oo is casilay

Raysal wasaaraha UK Keir Starmer ayaa sheegay inuu iska...

Booliska oo xiray Laba eedeysane oo TikTok ku Faafinayay Anshax-Xumo

Ciidanka Booliska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Garasbaaley, ayaa fuliyay...

 Wasiir Fiqi: “Cadowga Soomaaliya iyo Gooni-u-goosadku Ma guulaysan doonaan”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in...

Kenya oo Ciidamo Cusub u diyaarisay Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa soo gabagabeeyay tababar adag...

DF oo Cambaareysay Xadgudub loo geystay Gabar Soomaaliyeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay fal...

Hogaamiyaha kooxda Xisbullah oo fariin adag u diray Israa’iil

Hogaamiyaha kooxda Xisbullah, Naim Qassem, ayaa ka jawaabay hadalladii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles