Thursday, July 10, 2025

Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Hirshabelle oo Gaaray Raagga-Ceelle

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane  Cali Guudlawe Xuseen ayaa soo gaaray degmada Raagge-Ceelle ee Gobalka Shabeellada Dhexe.

Maamulka degmada iyo shacabka Raagge-ceelle ayaa si diirran u soo dhaweeyay wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin masuuliyiin ka tirsan Hay’addaha fulinta, sharci-dejinta, Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa safar shaqo ku mari doono degmooyinka Hirshabeelle waxaana uu socdaalkiisa daaran yahay xarig-jarka iyo dhagax-dhigga mashaariic kala duwan ee Horumarinta degmooyinka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa mudadda uu ku jiro safarkiisa waxa uu dardargelin doonaa wejiga 2-aad ee dagaalka Khawaarijta looga xorreynayo dhulka Soomaaliyeed.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta Raagge-Ceelle oo cadowga xor ka ah soo booqdo. Waxaan halkan u imid sidii la idin kugu dhammeystiri lahaa heykalka Dowladnimadda oo ay u horeeyaan dhismaha xaruumaha dowladda iyo kaabayaasha dhaqaallaha.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen maamulka iyo shacabka degmada Raagge-Ceelle.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 09/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxweynaha Hirshabelle oo Xariga Xarumaha Caafimadka iyo Wadooyinka (SCRP)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

Taliye Asad oo gaadiid dagaal kala wareegay Mareykanka

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

RW Xamse”Federaalka looma keenin kala qeybin bulsho iyo faragelin shisheeye

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo...

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan  Muuse Salaad Wehliye ayaa madax ka...

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay xerada Kulliyada Jaalle Siyaad ee Muqdisho

Qaraxaan ismiidaaminta ah oo daqiiqado  ka dhacay xerada ciidamada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles