Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Hirshabelle oo Gaaray Raagga-Ceelle

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane  Cali Guudlawe Xuseen ayaa soo gaaray degmada Raagge-Ceelle ee Gobalka Shabeellada Dhexe.

Maamulka degmada iyo shacabka Raagge-ceelle ayaa si diirran u soo dhaweeyay wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin masuuliyiin ka tirsan Hay’addaha fulinta, sharci-dejinta, Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa safar shaqo ku mari doono degmooyinka Hirshabeelle waxaana uu socdaalkiisa daaran yahay xarig-jarka iyo dhagax-dhigga mashaariic kala duwan ee Horumarinta degmooyinka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa mudadda uu ku jiro safarkiisa waxa uu dardargelin doonaa wejiga 2-aad ee dagaalka Khawaarijta looga xorreynayo dhulka Soomaaliyeed.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta Raagge-Ceelle oo cadowga xor ka ah soo booqdo. Waxaan halkan u imid sidii la idin kugu dhammeystiri lahaa heykalka Dowladnimadda oo ay u horeeyaan dhismaha xaruumaha dowladda iyo kaabayaasha dhaqaallaha.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen maamulka iyo shacabka degmada Raagge-Ceelle.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles