Wednesday, June 24, 2026

Kenya oo diiday in Soomaaliland ay xafiis ka furato Nairobi

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in xafiis diblomaasiyadeed oo ay Somaliland ka furanayso magaalada Nairobi uusan haysan oggolaansho rasmi ah.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay soo dhawaynayso dib-u-casriyayn lagu sameeyay xafiiska wakiilka Somaliland ee Nairobi, balse waxa ay tilmaantay in xafiiskaas loo beddelay mid diblomaasiyadeed, taas oo aanay dowladda Kenya oggolayn maadaama aan oggolaansho laga haysan.

“Kenya waxay hoosta ka xarriiqaysaa walaaca ay ka qabto munaasabadda la qorsheeyay 27-ka May, taasoo aan oggolaansho ka haysan Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Heerka xafiis diblomaasiyadeed ma haysan oggolaansho, lamana oggolaan karo in sidan lagu sii wado,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay dowladda Kenya.

Xafiiskan ayaa la sameeyay dhisme cusub, waxaana lagu waday in maanta  27-ka May uu furo Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Cirro oo hadda ku sugan Dalkaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles