Wednesday, July 30, 2025

Kheyre oo cambaareeyay cabsigelinta lagu hayo shacabka degan degmada Kaxda

R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo soo saaray qoraal ayaa waxaa uu si adag u cambaareeyay cabsigelinta lagu hayo shacabka degan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa falalka xadgudubka, cabsigalinta, iyo qafaalka ah ee Dowladdu ka waddo degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, si ay dowladdu shacabka degmada ugu qasabto in ay iska diiwaangeeliyaan doorashooyinka macmalka ah ee uu ku riyoonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Sidoo kale Kheyre ayaa waxaa qoraalkiisa uu ku sheegay”Cabsigalinta iyo qafaalka ka socda goobaha waxbarashada, ganacsiyada, iyo suuqyada degmada Kaxda waa isku-day gurracan oo xadgudub ku ah xuquuqda muwaadiniinta, dhaqanka dowladnimada, shuruucda dalka, iyo xeerarka caalamiga ah. Waxaana ayaandarro ah in ciidamadii amniga loo adeegsanayo jajuubka, cabsigalinta, iyo qafaalka shacabka degmada Kaxda.”

Waxaa uu sidoo kale qoraalkiisa uu ku soo gabagabeeyay R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre” Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqayaa in uu degdeg uga laabto amarka uu bixiyay ee lagu caburinayo dadweynaha degmada Kaxda, kana joogsado doorashada aan heshiiska ahayn ee uu ku riyoonayo, taas oo halis ku ah midnimada, wadajirka ummadda, iyo xasilloonida dalka.”

WARARKII KALE

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

Qoysas hor leh oo ka barakacay dagaalka Beledxaawo oo gaaray Magaalada Mandheere

Warbaahinta deegaanka Mandheera ayaa baahisay in saacadihii la soo...

Waa sidee saaka xaalada Beledxaawo, kadib dagaalkii shalay

Magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa saaka ku waabariisatay...

Mareykanka iyo Iran oo hanjabaad hawada isku mariyay

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araqchi oo u...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 29/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil iyo Madaxweyne Putin oo ka wada-hadlay arrimaha Iran

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la hadlay madaxweynaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles