Tuesday, March 3, 2026

Netanyahu oo sheegay in la dilay hoggaamiyihii Xamaas ee Gaza Mohammed Sinwar

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in milatarigoodu ay “ka takhaluseen” hoggaamiyihii Xamaas ee Gaza Mohammed Sinwar, oo ka mid ahaa ragga sida weyn loo doondoonayo, isla markaana ay walaalo yihiin hoggaamiyihii geeriyooday ee kooxdaas Yahya Sinwar.

Mohammed Sinwar ayaa ahaa bartilmaameedka weerar ballaaran oo Israa’iil ay ka geysatay barxadda iyo agagaarka isbitaalka Yurub ee ku yaalla koonfurta magaalada Khan Younis 13-kii Maajo, kaas oo ay milatariga Israa’iil sheegeen in ay burburiyeen “kaabayaasha dhulka hoostiisa” ee Xamaas ee halkaas.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay xilligaas in 28 qof ay ku dhinteen. Xamaas lafteedu ma ay xaqiijin mana beenin geerida Sinwar.

Yahya Sinwar, oo ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii 7-dii Oktoobar 2023 lagu qaaday Israa’iil, waxaa dilay ciidammada Israa’iil bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

Israa’iil ayaa Qaza ka billowday olole milateri oo ay kaga jawaabayso weerar ay Xamaas ku qaadday xuduudda 600 maalmood ka hor, kaasoo lagu dilay illaa 1,200 oo qof, 251 kalena lagu qafaashay.

Ugu yaraan 54,084 qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo markaas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dhulkaas.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles