Thursday, September 4, 2025

Kuraas ka banaan Golaha shacabka BFS oo la buuxinayo

Maanta oo ay taariikhdu tahay 30 May 2025 waxaa la go’aamiyay in dib loo doorto kuraasta kala ah HOP097 iyo HOP098 oo ay horey ugu fadhiyeen Allaha u Naxariistee Xildhibaan Khadija Maxamed Diriye iyo Xildhibaan Maxamud Maxamed Jimcale (Sey Sey).

Suldaanka guud ee beesha Yaxar, Suldaan Axmed Maxamud Cosoble ayaa Guddiga doorashooyinka Qaran u soo gudbiyay liiska ergada dooranaysa labadan kursi.

Kadib waxaa la diiwaanveliyey Afar (4) musharrax oo soo buuxiyey shuruudaha musharraxnimada kuraasta bannaan, kuwaas oo kala ah:

1-​Cabdikarim Maxamed Diriye #HOP097

2-​Abdulqadir Maxamud Maxamed #HOP098

3-​Maxamed Maxamud Geeddi #HOP097

4-​Axmed Adan Muxyadiin #HOP098

Musharrixiintan soo buuxisay shuruudaha ayaa maanta magaalada Jowhar lagu gudoonsiiyay shahaadada musharraxnimo ee buuxinta kuraasta bannaan, yadoo Guddiga Doorashadiuu dib ka soo sheegi doono xiliga ay dhaceyso doorashada labada kursi

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 04/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Kulanka Iskaashiga Deeq-bixiyeyaasha ee Dib-u-habaynta Nidaamka Garsoorka Soomaaliya oo lagu qabtay Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS, Mudane...

SODMA oo qabatay Wajiga Afraad ee Mashruuca Sugnaanta Cunnada

Waxaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka...

Booliska DG Waqooyi Bari oo baadi goobaya rag falal amni darro geystay

Ciidamada Booliiska Dowladda Woqooyi Bari Soomaaliya ayaa 24-kii saacadood...

Ganacsade Jabuutaawi oo xabsiga la dhigay

Ganacsade Maxamed Jabuutaawi ayaa xabsiga la dhigay, kadib markii...

Kenya oo iska fogeysay in Askar ka tirsan Jubbaland ay ku sugan yihiin Gudaha Mandhera

Dowladda Kenya ayaa iska fogeysay wararka sheegaya in ciidamo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles